Deni oo ku hungoobay qorshe uu ula tagay Boqor Burhaan
BOOSAASO, Puntland – Madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gurigiisa magaalada Boosaaso ku booqday Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ay weheliyaan, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.
Sidoo kale, Deni wuxuu hoygiisa ugu tagay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin. Madaxtooyada ayaa warisay: "Kulamadan ayaa ahaa booqasho salaan iyo xogwareysi, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland".
Warsidaha Garowe Online oo u kuur-galay shirkan ayaa ogaadey in Deni uu ku fashilmay isku-day uu ku doonayay in Isimada uu ku qaabilo xerada ciidamadda ee PMPF halkaasoo uu ka degay magaalada. Boqor Burhaan ayaa diidey dalabkaas.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Deni uu boqor Burhaan kala hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Garowe kuwaasoo salka ku haya damaciisa muddo kororsiga kana codsadey in uu soo farageliyo.
"Madaxweynaha waxa uu u sheegay boqorka in dadka caasimada Garowe uu culeys kala kulmay kana codsadey in uu kala hadlo," ayay xuseen illo wareedyadda. "Balse, boqorka wuxuu madaxweynaha ku yiri 'dadkaas horey waa isku-wadateen' hadalkaasoo uusan filayn".
Qaar kamid ah goobjoogeyaasha kulanka ayaa u sheegay Garowe Online in boqor Burhaan uu ku tartarsiiyey Deni in xukuumadiisa ay magdhow ka bixiso dadkii ku dhintey dagaalkii ay ka riday magaaladda Boosaaso.
"Madaxweynaha wuxuu ku doodey 'dowladda lacag ma hayso' balse boqorka wuxuu ku xujeeyay 'waa adigan ciidanka u adeegsanaya diiwaan-gelinta waxna ku tareyn qadiyada Laascaanood xagee jirtaa lacagta'. Wax natiijo ah laguma gaarin kulanka," ayay ku dareen illo wareedyada.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa doonaya in uu juubjuub ku dhaqan-geliyo diiwaan-gelin doorasho hal dhinac ah taasoo qaar kamid ah saamileyda siyaasadda, bulshadda iyo saaxiibada caalamka ay ka digeen in ay keeni karto firaaq dastuuri ah iyo isku-dhacyo hubyesan.
GAROWE ONLINE