Dhagax laga dhoofiyay Soomaaliya oo noqday macdan naadir ah
TORONTO, Canada - Seeynisyahano u dhashay dalka Canada ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameeyeen qalbac dhagax ah oo laga qaaday Soomaaliya, kaasoo la rumeysanyahay in uu ahaa biriq kusoo dhacday Soomaaliya laga heley maadooyin macdan ah oo aad qaali u ah.
Dhagaxan ayaa laga heley deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan muddo labo sano ka hor ah, waxaana hadda la rumeysanyahay in uu yahay waxyaabaha dhifka ah ee cirka kasoo dhacay ee dhulka laga heley, kuwaasi oo astaamaha macdanta qaaliga ah.
Seeyniyahano ku sugan jaamacadda Alberto ee dalka Canada ayaa sheegaya in baaritaano dheer ay ku samayn doonaan qeybo kale oo dhagaxan ah.
Dhagaxan ayaa saxaafadda soo galay sanado ka hor kadib markii lagu xayiray dekeda Muqdisho oo laga dhoofin lahaa, kadibna lagu kala qaatay lacag badan, arrintaas oo dhalisay buuq badan.
Boqolkiiba 90% waxa uu dhagaxani ka samaysanyahay birta maarta loo yaqaano, waxaana aad u danaynaya seeynisyahanada adduunka, gaar ahaan kuwa daneeya meerayaasha iyo hab-dhismeedka koonka in ay wax ka fahmaan.
Dhagaxan oo dhan 15 tan ayaa noqonaya kii 9-aad ee ugu weynaa ebed ee dhulka kusoo dhaca. Dadka xoolo dhaqatada ee deegaanka Ceel Cali ayaa sheegay in dhagaxan uusan ahayn mid cusub, balse qarniyo halkaasi oolay, islamarkaasna ay mindiyaha ku soofeysan jireen.
Maadooyinka uu dhagaxani ka koobanyahay ayaa la rumeysanyahay in ay yeelan karaan isticmaal iyo faa’iidooyin waaweyn oo bini’aadamka helo.
Dr Chris Herd oo ka tirsan jaamacadda Alberto ayaa sheegay in uusan waligiis ku fikirin in uu qeyb ka noqon doono helista maado cusub oo macdan ah oo dunida aanan horey loogu arag.
Dhagaxa oo laga dhoofiyay dekeda Muqdisho sanadkii 2020-kii ayaa la geeyay dalka Shiinaha, waxaana laga yaabaa in ay tahay markii ugu dambaysay oo la maqlo arrimo ku saabsan dhagaxan qaaliga ah.
GAROWE ONLINE