Farqiga hadda jira ee cudada u yeelaya halganka Macawiisleyda
MUQDISHO, Soomaaliya - Muddo sanado ah, maleyshiyaadka Al-Shabaab waxay si naxariis daro ah uga hortagtay in dadka degaanka ay is-abaabulaan maadaama ay ka dhex-arkayeen dhamaadka maalmahooda.
Horraantii sanadka 2018, Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka Guulane oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee waqooyiga Muqdisho, waxayna dadka deegaanka ka codsadeen in ay ku deeqaan lacag, qoryo iyo wiilal.
Hibaad Cali Dasar oo ka mid ah beeraleyda deegaanka ayaa sheegtay in uu ka door bidi lahaa in uu dhinto intii uu u gacan gelin lahaa wiil uu dhalay oo xilligaasi da’diisu ka yar tahay 12 sano jir.
"Al-Shabaab ayaa diidmadaas kaga jawaabtay in ay qaateen hadhuudhkii Dasar kadibna ay gubeen beertiisa," ayuu yiri ku xigeenka duqa degmada Cadale Mukhtaar Maxamed Maxamuud oo Dasaar yaqaan.
Isku dhacyadu waxay socdeen ilaa xagaagii sanadkaas. Dowladda Federaalka ayaa siisay rasaas iyo xoogaa hub ah balse mid kale ma jirin wax taageero ah oo la taaban karo, sidda laga soo xigtey Maxamuud.
Bishii Oktoobar, Dasar iyo dhowr nin oo la socday ayaa qorsheynayay weerar balse waxay kaa kulmeen duulaan gaadmo ah labo cutub oo ka tirsan Al-Shabaab halkaasoo uu ku dhintey. Kacdoonka curdunka ayaa istaagay, xoogaga argagixisada ahna waxay heleen canshuurtoodii.
Laakin dhiiranaanta Dasar waxay horseeday abaabul kale oo dadka deegaanka ka bilaabeen bartamaha Soomaaliya gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Galmudug.
Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaallada abaabulan ee dadka deegaanka, waxayna ku baaqday in la ballaariyo iska caabinta gobollada kale.
“Shacabka waxa ay mar walba diyaar u ahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab,” ayuu VOA u sheegay Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo ah la taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Wuxuu intaas ku daray: "Farqiga hadda jira wuxuu yahay in madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ay billaabeen inay dhiirri-geliyaan oo ay garab-istaagaan markii ay bulshadu go'aansatay inay is abaabulaan."
Guutaale ayaa sheegay in abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab uusan wali gaarin heerkii ugu sareeyay, waxa uuna sheegay in uu filayo in beelo badan ay kusoo biiraan dagaalada.
Labadii bilood ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa kacdoonka Macawiisley ku wayday dhul-ballaaran oo dalka dhan ah gaar ahaan gobolka Hiiraan halkaasoo ay ka dhaceen isku-dhacyada ugu badan illaa waqti-xaadirkan.
GAROWE ONLINE