Fiqi oo duray nin Al-Shabaabnimo loogu xukumay dil toogasho

Image
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ayaa ku baaqay in dib-u-eegis lagu sameeyo xukunkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha gudaha federaalka Axmed Macalin Fiqi ayaa ku baaqay in la baaro xukun dil ah oo maxkamadda ciidamada ku ridday nin ay ku eedeysay Al-Shabaab balse ay shaki ka muujiyeen in uu ahaa qofkii saxda ahaa ee ka dambeeyay marxuumka la sheegay in uu toogtey xukunsanaha.

Qoyska qofkii caddaaladda loo raadinayay ee wiilkooda la diley ayaa shaaca ka dhigay "in dilaaga wiilkooda uu yahay askari ka tirsan ciidamadda dowladda lana fasaxay".

Cabdullaahi Faarax Xaashi oo horey usoo noqday afhayeenka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in walaalkii oo 17 jir ah uu sanadkan u dhintay dhaawac uu gaarsiiyay askari Taraafiko ah, balse maxkamadda la keenay nin kale oo aanan askari ahayn, islamarkaasna aanan dilin wiilkooda.

Xaashi ayaa intaasi raaciyay in ay aad ula yaabeen in maxkamadda horteeda uu marqaati-fur ku sameeyay askarigii gacanta dilka lahaa, isaga oo sheegaya in xukunsanaha uu falka geystay.

Xukunsanaha ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdinaasir Cusmaan Nuunoow. Xeer-beegtada waxay sheegtey in uu qirtey falka. Tani waxay keentay in xabsiga laga sii daayay askarigii dilka ku eedeysnaa.

Dhacdadan ayaa sii xoojisay shaki markii horeba laga qabay xukunada dilka ah ee maxkamadda ciidanka, iyada oo si weyn baraha bulshada loogu faafinayo dhacdooyin hore oo dad aan waxbo geysan dil lagu xukumay si loogu badelo dadkii dambiilayaasha ahaa.

Maxamed Koosaar oo ah saxafi hore oo rug caddaa ah ayaa ka sheekeeyay dhacdo nin aan dambi geysan dil loogu eedeeyay, kadibna gacanta loo galiyay baarayaal ajnabi ah, kuwaas oo baaritaankooda kusoo saaray in ninkani la nabayo oo uusan wax dambi ah geysanin.

Dhowaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya iyo hay’adda xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ka wada hadleen daldaloolo badan oo ku jira nidaamka dilka toogashada ee maxkamadda ciidamada, waxayna hay’adda soo bandhigtay baaritaano la sameeyay.

Waxyaabaha la codsaday waxaa ka mid ah in qofka la xukumi la tuso ehelkiisa ka hor dilka. Weli wax hadal ah kama soo bixin dhanka maxkamadda ciidamada oo ku saabsan kiiska hadda taagan. Haddii ay soo ifbaxdo in xukunsanaha lagu been abuurtey, waxay noqon kartaa fadeexad galaafan doonta hay'adaha garsoorka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM