Giriigga: Soomaali si qaldan loo xukumay oo rafcaan raadinaya

Image
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa garab-istaag u muujiyey ololaha Maxamed Hanad Cabdi.

LONDON, Britain - Nin Soomaali ah oo xabsi daa’in loogu xukumay tahriibta dad ayaa shalay kasoo muuqday maxkamad si uu racfaan uga qaato xukunkii lagu riday, iyadoo kiiskan ay taageereen koox ka tirsan baarlamaanka Yurub oo sheegay in si qalad ah loo maxkamadeeyay.

Maxamed Hanad Cabdi ayaa lagu xukumay 142 sano oo xarig ah sanadka 2021 kadib markii lagu helay dambi ah in uu mas'uul ka ahaa dooni yar oo ka timid Turkiga kuna sii jeeday jasiirada Giriiga ee Lesbos sanadkii hore.

Cabdi waxa uu sheegay in uu kaliya kaxaystay doonida kadib markii uu ka tagay nin Turki ah oo mukhalas ah. Labo qof ayaa ku qaraqmay markii ay doonida qaaday biyaha halka 33 kalena la badbaadiyay.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday ayaa taageeray qiraalka Maxamed, sida ay sheegeen qareennadiisa. Kiiskan waxa uu sabab u noqdey in kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay su'aal geliyaa hanaanka cadaalada Giriigga.

Xubin ka tirsan xisbiga bidixda ee Giriiga oo ka tirsan baarlamaanka Yurub, Stelios Kouloglou, ayaa hogaaminaya ololaha cadaaladda loogu raadinayo Maxamed Hanad Cabdi.

Bishii hore, laba nin oo Afgaanistaan ​​ah, Akif Razouli iyo Amir Zahiri, oo lagu xukumay 50 sano oo xabsi ah, ayaa laga sii daayay xabsiga iyagoo racfaan ka qaatay. Razouli waa la sii daayay markii Zahiri xukunkiisa laga dhigay sideed sano xorriyadiisana loo celiyey.

"Isbahaysiga caalamiga ah ayaa muhiim u ah qaxootigan, kuwaas oo dhibanayaal u ah dhaqankan caddaalad darrada ah ee dawladda Giriigga si ay u cambaareeyaan dadka aan waxba galabsan ee xukunnada xad-dhaafka ah," ayuu yiri Kouloglou.

15 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa taageeray ololihiisa, iyaga oo saxiixay warqado cabasho ah oo loo gudbiyay mas'uuliyiinta ugu sareysa ee waddanka Giriigga.

Xukuumadda midigta-dhexe ee dalka Giriigga ayaa ku tilmaantay siyaasaddeeda socdaalka mid "adag laakiin cadaalad ah", iyadoo ku doodaysa in xukunnada adag ee lagu rido dadka wax tahriibiya ay qayb muhiim ah ka tahay siyaasadda difaaca xuduudaha ee guud ahaan Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM