Soomaaliya: Gobolka ay "ku tarmaan" xubnaha Al-Shabaab

Image
Dowladda federaalka ayaa lagu tartarsiiyay in ay awoodeeda isugu geyso aaggan "haddii kale wajihi karto cawaaqib".

KISMAAYO, Jubaland - Go’doominta hotelka Tawakal ayaa noqoneysa weerarkii labaad ee Al-Shabaab ay ka geystaan ​​gudaha Soomaaliya bishan gudaheeda xilli ay ay wajahayso duulaan kaga imaanaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanka.

Horraantii bishii Oktoobar, saddex qarax ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof. Gobolka Hiiraan wuxuu xudun u ahaa gulufka ka dhanka ah maleyshiyadda.

Yuusuf Xuseen Cismaan, oo ah wasiirka amniga gudaha maamul goboleedka Jubbaland oo kadib markii lasoo afjaray weerarka Hotelka la hadlay saxaafada, ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen Axadii.

Cismaan waxa uu sheegay in dableyda ay ahaayeen afar argagixiso; Mid ka mid ah ayaa isku qarxiyay albaabka halka saddex kalena ay xoog ku galeen hotelka.

"Dhammaan waa la baabi'iyey," ayuu yiri. Cismaan ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in la soo badbaadiyay dadkii ugu badnaa ee lagu heystay Hotelka balse uu jiro khasaare soo gaaray arday wax ka baranayay Iskuul ku dhowaa.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ku dhowaad 9 qof ay ku naf-waayeen weerarkan kuna dhaawacmeen ku dhowaad 50 kale oo ay ku jiraan arday kasoo baxdey iskuul ku dhow meesha ay wax ka dhaceen.

C/casiis Xuseen Isaaq oo ah falanqeeye dhanka amniga ah oo ka tirsan xarunta Xamad Bin Khaliifa ee dalka Denmark, ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay u diyaargarowdo dagaal ka dhaca deegaanada Jubbaland, maadaama Al-Shabaab ay awood badan ku leeyihiin halkaasi.

“Aniga waxaan qabaa in Jubaland ay tahay meesha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab,” ayuu yiri. Jubadda Dhexe waxaa gabi ahaanba maamula xoogaga ku xiran Al-Qaacida.

Wuxuu raaciyey: "Dagaalka ugu adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxa uu ka dhici doonaa gobolkan haddii kooxda laga adkaado gobolada dhexe ee Soomaaliya. Jubooyinka waa meesha ay ku tarmaan Al-Shabaab maadaama madaxda ugu sareysa ee kooxda ay ku sugan yihiin gobolkan".

Weerarkii Axaddii ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee kooxdan ay ka geystaan ​​magaalada Kismaayo tan iyo sanadkii 2019-kii markaasoo 26 qof oo ay ku jirtay wariye Hodan Naaleeye oo Soomaali-Canadian ah lagu dilay weerar lagu qaaday Hotel Cas-casey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM