Golaha Ammaanka oo shir ka yeeshay xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya
NEW YORK, USA - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan wadatashi deg deg ah waxa uu ka yeeshay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.
Kulankan oo ciwaan looga dhigay “Nabadda iyo Ammaanka Afrika” ayaa daba socda dalab ka yimid dowladda Soomaaliya, iyadoo loo cuskaday walaac ku aaddan falalka ay Itoobiya ka waddo Geeska Afrika.
Dalabka Soomaaliya ee kalfadhiga degdega ah ayaa ka dhashay heshiiskii is-afgaradka (MoU) ahaa ee 1-dii January ay magaalada Addis Ababa ku gaareen Itoobiya iyo Somaliland.
Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa ku tilmaamay Is-afgaradkaas mid xadgudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, isagoo yiri “Heshiiska waxaa la galay ogolaansho la’aanta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna si hufan u baalmarsan yahay Dastuurka dalka”.
Mowqifka adag ee xukuumadda Muqdisho ayaa waxa uu soo jiiatay dareenka aduunka, iyadoo hay'adaha caalamiga ahi ay walaac ka muujiyeen xasillooni-darrada gobolka ee iman karta.
Ururka Jaamacadda Carabta (LAS) iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa cambaareeyay heshiiska, iyadoo labadaba ay sheegeen in ficillada noocaas ah ay "ku xad-gudbinayaan shuruucda caalamiga ah, ayna halis gelinayaan guud ahaan midnimada dhuleed ee Qaranka Soomaaliya."
Dhanka kale, Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa mawqifkeeda sida ku cad warqad ay January 26-keedii u dirtay Golaha Ammaanka, waxayna ku doodaysaa in Is-afgaradku "uu dhabbaha u xaaraya in Itoobiya ay hesho marin badeed ku salaysan saldhigyo ganacsi iyo shuruudo la isku raacsan yahay oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah."
Kulanka degdeg ah ee Golaha Ammaanka ayaa la filayaa in uu udub dhexaad u noqon doono sidii wada-hadallo loo dhalin lahaa iyo sidii xiisadaha loo dejin lahaa wallow Soomaaliya diidey wadaxaajood.
GAROWE ONLINE