Golaha Amniga oo ku fashilmay cambaareynta is-fidinta Ruushka

Image
Moscow ayaa codka diidmadda qayaxan u adeegsatay qaraar uu gadaal ka riixeyo Mareykanka.

NEW YORK, US - Ruushka ayaa u adeegsaday codkiisa diidmada qayaxan ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu u jebiyo qaraar qabyo ah oo la doonayay in lagu dhaleeceeyo qabsashada dhulka Ukraine.

Laakiin xitaa saaxiibada dhow ee Moscow Shiinaha iyo Hindiya waxay doorteen inay ka aamusaan halkii ay u codayn lahaayeen qaraarka cambaareynaya falkii ugu dambeeyay ee Kremlin-ka ee Ukraine.

Safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa golaha ammaanka horgeysay qaraarka Jimcihii, kaas oo loogu baaqay waddamada xubnaha ka ah in aanay aqoonsan xaalad kasta oo laga beddelay Ukraine, isla markaana ku waajibtay Ruushka in uu ciidamadiisa kala baxo.

Saacadihii hore ee Jimcadii shalay, dhul-balaarsigii ugu weynaa Yurub tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa la sameeyay kadib markii Madaxweyne Vladimir Putin uu ku dhawaaqay qabsashada Ruushka ee afar gobol oo ka kooban 15 boqolkiiba dhulka Ukraine.

Qaraarkan oo ay iska kaashadeen Maraykanka iyo Albania ayaa ku baaqayay in la cambaareeyo aftidii "sharci-darrada ahayd" ee ka dhacday "qaybo ka mid ah Ukraine oo uu Ruushku gumaysanayo iyo in dhammaan dawladuhu aanay aqoonsanayn isbeddel kasta oo lagu sameeyo xudduudaha Ukraine".

Qaraarkan ayaa sidoo kale loogu baaqay Ruushka inuu si deg deg ah ciidamada ugala baxo dalka Ukraine, isagoo soo afjaraya duullaankii uu bilowday 24-kii February.

10 dal ayaa u codeeyay taageerida qaraarkan, halka Shiinaha, Gabon, India iyo Brazil ay ka aamuseen taasoo ka dhigan ugu yaraan in ay dhexdhexaad ka noqonayaan qadiyaddan.

"Ma jiro hal waddan oo u codeeyay dhanka Ruushka, midna ma jiro," ayay Thomas-Greenfield sheegtay suxufiyiinta kulanka ka dib, iyadda oo intaa ku dartey in aamusitaanka dalalka qaar "si cad aysan ahayn difaaca Ruushka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM