Gunta mamnuucida "dacaayadaha" Al-Shabaab iyo Xasan Daahir
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtidii shalay waxay ku dhawaaqdey in ay “dambi u aqoonsan tahay faafinta fariimaha kooxaha argagixisada ah”.
War qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay ayay ku sheegtay in la joojiyay in ka badan 40 bog oo baraha bulshada ah oo ay isticmaali jireen kooxaha xagjirka ah.
"Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay dambi u aqoonsan tahay faafinta fariimaha argagixisanimada iyo dhiirigelinta falalkooda arxan-darrada ah - mid kasta oo warbaahin ah ama qof kasta oo ku hadla baraha bulshada, tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa [qofkii] ku guuldareysta qaraarkan," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.
Talaabadan ayaa timid maalmo kadib markii Xasan Daahir Aweys oo kamid ahaa aas-aasayaasha Al-Shabaab uu sheegay in uu u xiran yahay Mareykanka una dabaaldagay dilka wiilkiisa.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala oo shalay wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in talaabo laga qaadey Xasan Daahir balse ma fahfaahin.
Xog ayaa muujineysa in xabsi la dhigay lana xakameeyay dhaqdhaqaaqiisa. Fahfaahinta ayaa intaad ku dareysa in Xasan Daahir laga qaadey telefoonka "loona dhaadhiciyey xabsi rasmi ah halka uu kal hore ku jiray xabsi-guri".
Xasan Daahir Aways oo mar ka mid ahaa madaxdii maxaakiimta Islaamiga ah iyo Alshabaab ayaa cajalad cusub ku jees-jeesay ciidanka dowladda iyo dadka degaanka ee dagaalka kula galay Al-Shabaab qaybo kamid ah dalka.
Howlgaladan wadajir ah oo dowladda ugu magacdey "kacdoon shacab iyo halgan dib loogu xoreynayo dalka" ayaa cadaadis saarey Al-Shabaab kuna qasbay in ay uga falceliso qaraxyo ay ku dhamaadeen in ka badan 20 qof gudaha magaalada Beledwayne.
Go'aanka xanibaada fariimaha Al-Shabaab waa furin kale oo qayb ka ah istaraatiijiyada saddex geesoodka ah ee maamulka Xasan Sheekh balanqaadey in uu kusoo afjarayo Al-Shabaab taasoo ah dagaal milatari, dhaqaale iiyo feker ahaan.
Warbaahinta rasmiga ah iyo baraha bulshadda ayaa marin weyn u ahaa fariimaha kooxda Al-Shabaab. Xanibaada dowladda ee Xasan Daahir iyo baraha maleyshiyada waxay meesha ka saareysaa dacaayadaha u sahli jiray in ah helaan dagaalameyaal badan.
Balse su'aasha waxay tahay masii socon doontaa in shirkadaha usii hogaansamaa amarka dowlada ee qayb ahaan hirgalay mise waxay u dabci doonan cadaadis ama handadaadyo uga imaan kara ururka Al-Shabaab?
GAROWE ONLINE