Halganka Macawiisleyda: Geeri, gaajo iyo guubaabo
MUQDISHO, Soomaaliya - Macawisley ayaa ka kooban dad beeraley ah oo isku bedelay dagaalyahano, waxaana ay ku sugan yihiin jiida hore ee dagaalka lagu doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya.
Waa hubka cusub ee lagu kordhiyey dadaalka 16-ka sano ah ee soconaya lana doonayo in lagu ciribtiro Al-Shabaab, kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh al-Qaacida.
"Waxaan u dagaalamaynaa qadiyadda saxda ah, dadka, qarankan iyo iimaanka inta ay Soomaaliya nabad noqonayso," ayuu Sky News u sheegay taliyaha Macawisley Cali Shiri oo ku sugan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe
Bishii May ee sanadkan waxaa xilka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana todobaadyo ka dib la soo afjaray weerar 30 saacadood qaatay oo lagu qaaday Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dilay 20 qof. Isagoo ka jawaabaya xasuuqaas, wuxuu ku dhawaaqay "dagaal guud oo ka dhan ah Al-Shabaab".
Maanta ayaa qaar ka mid ah dagaaladii ugu xooganaa waxa ay ka dhacayaan gobolka Hiiraan halkaasi oo ay dowladiisa si joogto ah uga qoreyso beeraleyda si ay u dagaalamaan, waxaana howshaasi fududeysay xaalada cimilada oo aad u adag.
“Abaartii ugu darneyd ayaa ka jirta Hiiraan, roob ma di’in, hadda arrin kale ayaa naga jirta oo ah dagaal,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo mujaahid Cali Jeyte.
Dowladda ayaa sheegtay in ay dishay 200 oo maleyshiyaad oo ka tirsanaa Al Shabaab dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay oo kaliya, waxaana ay sheegtay in qaar badan ay isa soo dhiibeen.
"Waan ku tababarnaa iyaga, halka ay ayana [AlShabaab] ay nagu tababartaan," ayuu yiri Sarreeye Guuto Keith Katunji, taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS kaasoo Soomaaliya ku sugnaa tan iyo 2010-kii.
Shabeellaha Hoose farsamo ahaan waa qaybta ugu barwaaqo badan Soomaaliya. Laakiin xagga sare, beerihii waxay noqdeen dhul abaartu halakeysay. Hadda waxaa daadsan bambooyin la aasay halkii ay ka ahaan lahaayeen beero dalagyo ah.
"Nin gaajaysan waa nin xanaaqsan," ayuu hadalkiisa raaciyay Sarreeye Guuto Katunji.
Balcad waxa ay ku dhowdahay xaruntii hore ee Al-Shabaab ee Basra oo ay kooxda argagixisadu ku qabsan lahayd maxkamadaha shareecada si ay u xaliyaan arrimaha la xiriira dhulalka.
Duqa degmada Balcad Qaasim Furdug ayaa dagaalkaan u yahay mid shaqsiyadeed. Sanadkii 2010-kii ayuu lugtiisa ku waayay Muqdisho dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxaana uu ku adkeystay in dagaalka ka dhanka ah uu sii socdo.
“Ama geeri ama nolol – rasaas ayaanu wajahaynaa, dadku waxa ay moodayeen in Al-Shabaab ay ku socdaan wadadii saxda ahayd, laakiin hadda waxa ay ogaadeen in Al-Shabaab ay yihiin cadowga dhabta ah,” ayuu xusay duqa magaalada Furdug.
Dagaalladan ayaa ka dhacaya dalka oo dhan iyadoo dowladdu ay dadaal ugu jirto inay dib u soo ceshato dhulalka - astaan kale oo muujinaysa deegaanka Soomaaliya ee sii kordhaya ee aan la degi karin.
GAROWE ONLINE