Hardanka cusub ee Taliban garsooraha uga tahay dhowr dal

Image
Taalibaan ayaa heshay furaha kheyraad dabiici ah oo qiimahiisa lagu sheegay aduun dhan $1 trillion.

KABUL, Afghanistan – Shiinaha ayaa talaabo u qaadaya sidii uu uga faa'iideysan lahaa kheyraadka lagu qimeeyay $1 trillion ee ay fureyaashoodu hayso Taalibaan kadib markii ay faarujiyeen ciidamadii reer galbeedka ee Mareykanku horkacayey.

Kheyraadkan oo qaarkood naadir ka ah aduunyadda ayaa kala ah; maarta, birta iyo lithium-ka. Haddii Taalibaan ay soo saarto waxay Afghanistan ka dhigeysaa mid kamid ah dalalka ugu hodonson dunida halka ay hada ku jirto kuwa saboolka ah.

Kaalinta uu qaadan karo Shiinaha waxay kala cadaan doontaa todobaadyadda soo aadan marka Taalibaan ay ku dhawaaqdo dowlad cusub oo ay balanqaadey in ay noqon doonto mid loo-dhan-yahay oo dhamaan dhinacyada iska dhex-arkaan.

Mid kamid ah sabaha soo dedejin karta in kooxda hubeysan ay u dhaqaaqdo soo saarista kheyraadkan waxaa kamid ah dhaqaale la’aanta ay haatan wajaheyso markii aduunyada oo Mareykana ugu horeeyo ay xanibeen dhaqaalihii dowladu lahayd.

Washington ayaa horey u xanibtay ku dhawaad ​​$ 9.5 bilyan oo kaydka Afgaanistaan ​​ah, Sanduuqa Lacagta Adduunkana wuxuu jaray maaliyaddii Afgaanistaan, oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​$500 milyan oo la qorsheeyay in la bixiyo agagaarka markii Daalibaan la wareegto. Baanka Aduunkana in ka badan 700 milyan doolar oo sanadkan u uku deeqay ayuu dib ula noqdey.

Xifaaltanka quwadaha aduunka

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa la filayaa in ay noqon doonan kuwa ugu badan ee ku xifaaltami doona kheyraadkan. Bejing waxay adeegsan doontaa kaarkeeda maalgelinta, halka Washington ay isku dayi doonoto in ay carqaladeyso.

Carqaladaha Mareykanka ka imaan doona waxay u badnaan doonan in ay noqoto xayiraadyo dhaqaale ama cunaqabateyn uu soo marsiiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Hase ahaatee, China iyo Ruushka waxay noqon doonan kuwa difaaca Talibaan. Labadan wadan waxay kamid yihiin kuwa illaa haatan dunida ugu baaqaya in fursad la siiyo Taalibaan,

Wadamada ugu hodonsan aduuunyadda ee G7 ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku caddeeyeen in ay Taalibaan ku xukmin doonan talaabooyinka ay qaado.

"Sharciyada dowladda Taalibaan waxay ku xirnaan doontaa sida ay ugu hogaansanto shuruucda caalamka gaar ahaan kuwa xuquuqda aadanaha si gaar ah metelaada dumarka iyo dadka laga tirade badan yahay," ayay raaciyeen bayaankooda.

Falcelinta China iyo Mareykanka

Mareykanka oo 2010-kii sheegay in Afghanistan ay leedahay kheyraad 1 trillion ah oo aan lasoo saarin ayaa laga soo xigtey in ay ka baaraan-degayaa siyaasada ay Talibaan kula macaamilayaan marka ay soo dhisaan dowladda cusub.

Shiinaha ayaa si aan gambasho lahayn wuxuu hoosta uga xariiqay in uu diyaar u yahay in uu la macaamilo Taalibaan kuna saleysan tahay siyaasadiisa in aysan waxba isbedelin.

"Dadka qaar waxay ku adkeeyaan aamin-darrada ay u qabaan Talibanka Afgaanistaan ​​- waxaan rabnaa inaan dhahno waa wax aan weligood is-beddelin," ayay tiri Hua Chunying, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha toddobaadkii hore. "Waxaan u baahannahay inaan aragno wixii tagay iyo kuwa hadda jira. Waxaan u baahannahay inaan dhegeysanno ereyada oo aan fiirino ficillada".

Maarta, oo muhiim u ah fiilooyinka, ayaa qiimaheedu 2021-kii sare u kacay iyadda oo halkii tan uu qiimihiisu yahay $10,000. Lithium-ka ayaa muhiim ah batariga baabuurta korontada ku shaqeeya iyo soolarka.

Dalabka Lithium-ka ee caalamka ayaa la odorasayaa inuu 40 jibaarmo marka la gaaro sanadka 2040, sida ay sheegtay Hay’adda Tamarta Caalamiga ah oo daraasad qoto dheer ku sameysay kheyraadka dabiiciga ah ee dhax-ceegaagga Afghanistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM