Haweenayda ugu dheer dunida oo markii ugu horeysey raacdey diyaarad

Image
Image
Rumeysa Gelgi oo ku nool Turkiga ayaa safarkeeda uu ku wajahan yahay dalka Mareykanka.

ISTANBUL, Turkey - Rumeysa Gelgi oo fadhi yar loo habeeyay, ayaa ugu dambayntii raacday diyaarad markii ugu horreysay nolosheeda. Ma ahayn waddo fudud, balse haweeneyda ugu dheer adduunka ayaa safarkeedii ugu horreeyay ee diyaarad raacdey iyadoo kaashanaysa diyaaradda Turkish Airlines.

Gelgi, oo ku gashay buugga Guinness Records ee dhererkeeda 2.15-mitir (qiyaastii 7-fiit) ah, waxay awooday inay safar samayso ka dib markii diyaaradda Türkiye ay lix kursi oo diyaaradda ka dhigtay bareelo.

Haweenayda ayaa ku qasban in ay ku safarto bareelo sababo ku aadan xanuunka Weaver Syndrome, oo ah cillad hidde-sideed oo lagu garto korriin degdeg ah. Caadi ahaan waxay ku socotaa kursiga curyaanka laakiin mararka qaarkood waxay socotaa masaafo gaaban.

25-sano-jirtan sameysa softwarada waxay rabtay inay u safarto Mareykanka si ay ula kaashato Guinness dhacdo iyo inay ka caawiso horumarinta shaqadda xirfadeed.

Gabadhan oo ay wehelinayso hooyadeed, ayaa waxa ay diyaaradda la raacday kursi curyaan, ka hor inta aanay la saarin barellada diyaaradda dhexdeeda oo 13 saacadood u soconeysa San Francisco.

Waxay saxaafadda ugu sheegtay garoonka Istanbul inay aad ugu faraxsan tahay inay markii ugu horreysay ku raacdo diyaarad, waxayna sheegtay in duullimaadkan uu muhiim u yahay bukaannada iyada oo kale ah oo u baahan sariir.

Gelgi waxa ay ku nooshahay Karabük,Türkiye, oo qiyaastii 200 kilomitir (124 miles) waqooyi kaga beegan caasimadda Ankara. Waxay sheegtay inay u adeegsanayso rikoodhkeeda adduunka si ay ugu dooddo oo ay kor loo qaaddo wacyiga xanuunada Weaver syndrome iyo scoliosis. Ninka aduunka ugu dheer ayaa sidoo kale ku nool Turkiga: Sultan Kosen, kaas oo lagu qiyaasay 2.51 mitir (8 cagood 2.8 inji).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM