Hawlgalada Macawiisleyda oo badalay sawirka amniga Soomaaliya

Image
Caalamka ayaa haatan indho cusub ku eegaya amniga Soomalaiya kadib dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ay hormuudka ka yihiin Macawuusleyda ayaa ciwaano waaweyn u samaynayay warbaahinta dunida todobaadyadan, taas oo keentay in dareenka dowladaha iyo dublamaasiyiinta uu usoo jeedsado xaaladda amni ee Soomaaliya, si ka duwan sidii hore.

Machadka la dagaalanka argagixisada ee Maraykanka fadhigiisu yahay oo ka mid ah kuwa ugu sareeya dunida ee jiheeya istaraatiijiyaddaha dowladaha adduunka ayaa qoraal uu maanta ka qorey dagaalka Macawuusleyda xoogga ku saaray saamaynta ka dhalan karta dagaalkan.

Machadka ayaa ka digey in dagaalada lagula jiro Al-Shabaab ay u talaabi karaan xuduudaha dalalka dariska, wuxuuna tallooyin usoo jeediyay dowladda Kenya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha cusub ee Kenya ayuu Mac-hadka kula taliyay in uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii loosoo afjeri lahaa ganacsiga sharci darada ah ee isaga gudba xudduudda, lana abuuro ganacsi sharci ah, taas oo la aaminsanyahay in uu abuurayo jawi amniga caawinaya.

Ganacsiga sharci darada ayaa waxaa ka macaasha kooxaha amniga waxyeela, waxaana ku dhex dhuunta argagixisada, iyada oo lagu dhex qariyo hubka maadaamaa badeecadani aysan marin meelihii saxda ahaa.

Tallooyinkan kuwa u dhow waxaa todobaadkii hore Madaxweyne Ruto u jeediyay qubaro ka qeybgashay shir argagixisada looga hadlayay oo Nairobi ka dhacay. Soo jeedintii ugu weynayd ee shirka ayaa ahayd in dowladda Kenya ay samayso ciidamada illaalada xuduudaha.

Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay in ay qaadayso weeraro iyo qaraxyo ka fog goobaha dagaalada, taas oo ah waxa ugu weyn ee hadda welwelka ku haya dowladaha dariska iyo kuwa Soomaaliya daneeya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo todobaadkan khudbad ka jeediyay Machad Maraykanka ku yaala ayaa isku dayayay in uu dajiyo welwelka beesha caalamka ka haysta mushkiladda Alshabaab, isaga oo sheegay in ay wiiqi doonaan awoodooda, kadibna loo furi doono dariiqa wada hadalka si firxad badan uusan u gelin dalalka dariska.

Fikradda wadahadalada ayaa waxaa u guuxaya dalal dhawr ah oo qaba in jabhad sida Shabaab oo kale aan gebi ahaanba lasoo afjeri karin, balse inta la wiiqo, kadibna lagu soo afjero qaab wadahadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM