Hindiya: Askari loo dilay muuqaal laga faafiyey gabadhiisa

Image
Vaghela oo jirdil u geeriyoodey ayaa la shaqaynayey Ciidanka Ilaalada Xuduudaha ee Hindiya.

NEW DELHI, Hindiya - Booliska gobolka Gujarat ee galbeedka Hindiya ayaa xabsiga u taxaabay todobo qof oo lagu eedeeyay in ay dileen askari, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Sidda uu xaqiijiyey taliska booliska, Melaji Vaghela ayaa la weeraray ka dib markii uu ka mudaaharaadayay muuqaal inantiisa oo da’yar oo la soo dhigay internet-ka.

Cabashada ayaa sheegaysa in muuqaalku uu aad u faafay kadib markii la soo galiyay. Eedeysanayaasha weerarka geystay ayaa ah xubno ka tirsan qoyska wiil dhalinyaro ah oo faafiyey muuqaalka.

Illaa hadda lama ogga waxa uu ahaa muuqaala. Xaaska Vaghela iyo wiilkeeda ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka. Vaghela wuxuu la shaqaynayey Ciidanka Ilaalada Xuduudaha ee Hindiya.

Sida laga soo xigtay warqadda tabashadda ah ee loo gudbiyey bilayska ayna qortey xaaska Vaghela Manjula, weerarku wuxuu habeenkii Sabtida ka dhacay degmada Kheda ee Gujarat.

Vaghela, xaaskiisa, laba wiil iyo wiil uu adeer u yahay ayaa aaday guriga wiilka dhalinyarada ah si ay uga dacwoodaan isaga oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay faafinta muuqaal gabadha.

Warbaahinta maxaliga ah ee ku warantey in muuqaalka uu ahaa "fisqi". Hase ahaatee, illaa haatan booliska si rasmi ah uma xaqiijin waxa uu ahaa muuqaalkan aadka u faafay.

Sida laga soo xigtay warqada cabashadda bilayska, kadib markii dooda ay kululaatay, qaraabada wiilka ayaa Vaghela iyo qoyskiisa ku weeraray "ulyo alwaax ah" iyo "waxyo af leh".

"Vaghela si xun ayuu u dhaawacmay oo isla markiiba wuu dhintay. Mid ka mid ah wiilashiisa ayaa isbitaalka ugu jira dhaawac madaxa ah," ayaa lagu yiri mid kamid ah warbixinadda saxaafadda.

Booliska ayaa dacwad dil ah kusoo oogay shaqsiyaad ay ku jiraan todobada eedaysane ee isku qoyska ah. Waxaa shalay oo Isniin ahayd la dhigay xabs kahor inta aysan maxkamadeyn ku bilaaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM