Hindiya: Gabdhaha yar-yar oo loo iibinayo si deyn la isaga bixiyo

Image
Hay'adda qaran ee ilaalisa xuquuqda aadanaha ayaa walwal ka muujisay kororka kiisaska noocaan ah.

NEW DELHI, India - Gabdhaha da'da yar ee ku nool gobolka Rajasthan ee waqooyiga Hindiya ayaa loo iibiyaa "si dib loo bixiyo" deymaha waalidkood aysan awoodin, sida ay sheegtay hay'adda qaran ee ilaalisa xuquuqda aadanaha.

Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa soo saaray ogaysiis ku socda dawladda gobolka oo ay kaga dalbanayaan in boolisku baadhitaan ku sameeyo oo ay ka jawaabaan muddo bil gudaheed ah waxa ay ugu yeedheen dhaqan "karaahiyo ah".

Dadka ku nool miyiga badan ee Hindiya waxay inta badan ku qasban yihiin inay lacag ka soo amaahdaan dadka tuulada marka xubin qoyska ka mid ah uu si xun u bukoodo oo u baahan yahay daaweyn.

Warbixinnada warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaya in nus darsin degmo oo ku xeeran Bhilwara, haddii qoysku uusan dib u bixin karin amaah, deyn-bixiyuhu dhibsaday wuxuu cabasho u gudbiyaan golayaasha qoyska.

Kiisaska ay soo bandhigeen guddiga ayaa waxaa ka mid ah nin ka soo amaahday 1.5m rupees (£15,800) deriskiisa kadib golaha degaanka ku qasbeen inuu walaashiis iyo inan 12 jir ah ka iibiyo si uu u xaliyo deynta.

Kiis kale oo tusaale weyn noqon kara, nin amaahday 600,000 rupees (£ 6,300) markii xaaskiisa ay xanuunsatay oo ay u baahneyd daaweyn isbitaal ayaa awoodi waayay inuu bixiyo.

Golaha qoyska ayaa ku qasbay inuu gabadhiisa yar u dhiibo dayn-bixiyuhu, kaas oo markii dambe ka iibiyay nin ka ganacsada Agra. Laga soo bilaabo halkaas, "waxaa la iibiyay saddex jeer oo ay uur yeelatay afar jeer", guddiga ayaa yiri.

Dhaqanka noocaan ah ayaa argagax ku abuuray aduunka. Intaas waxaa dheer, Hindiya waa mid kamid ah wadamada ay ka jiraan caadada ah in gabdhaha la dilo dhaqankaas oo ay qiil uga dhigaan "si loo ilaaliyo sharafta lamaaaneyaasha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM