Hogaanka Soomaaliya oo ka aamusan is-qarxintii Villa Rays

Image
Goobta la beegsadey ayaa dhowr talaabo u jirta xafiisyada madaxda ugu sareysa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin weerarkii ay dabley ka tirsan Al-Shabaab ku galeen Villa Rays Hotel kaasoo ciidanka ku qaadatay 23 saac in ay soo afjaraan.

Taliska Booliska oo warbixin faafreeban kasoo saarey dhacdadan ayaa sheegay in lix dabley ay ka dambeeyeen. Shan kamid ah ayuu xusay in ay iska-hor-imaadka ku toogteen ciidanka, mid kamid ahna uu is-qarxiyey.

Afhayeenka booliska, Sadiiq Doodishe oo muuqaal laga soo duubay, ayaa shaaciyey in sideed qof shacab ah ay ku naf-waayeen. Balse, warar madax-banaan waxay xusayaa in dhimashaddu tahay 15 ruux.

Doodishe ayaan soo hadal-qaadin qaabka dableyda ay ku gaartey goobta ay wax ka dhaceen maadaama ugu yaraan shan baro kontarool oo ciidamo joogaa ay kasoo sukeeyaan kuna dhow tahay Madaxtooyadda.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla shalay wuxuu daahfuray shir maalgasho xilli ciidamadda ay la xarbinayeen dableyda. Hadal-jeedintiisa munaasabadaas kuma uusan soo hadal-qaadin falkan.

"Waa lasoo daayay, yaa soo daayay?"

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kadib weerarkii Soobe Laba ee dhacay 29-kii October, 2022 balanqaadey isla-xisaabtan ayaa dhankiisa wuxuusan xataa hal eray ka oran weerarkan tuhunka abuuray.

Cali Cabdullaahi Cosoble, oo ah siyaasi iyo madaxwaynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, ayaa aaminsan in "lasoo daayay qaraxa". Balse, wuxuu is-waydiiyey "yaas oo daayay".

"Waddo kasta ee Villa Rosa lagu tagi karo ciidan ayaa fadhiya, mana aha waddo shacabka u furan. Waa la soo daayay qaraxee yaa soo daayay?," ayuu ku qoray boggiisa Facebook-ga.

Dhankiisa, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa carabka ku adkeeyay in laga maarmaan ay tahay in lala xisaabtamo madaxda hay'adaha ammaanka kadib dhcdada.

"Qofkii waqtigiisu dhamaaday wuu dhimanayaa,lamana celin karo. Waxase la yaab leh sida ay ku gaareen hotel ay Wasiirro muhiim ah deggan yihiin oo daakhilka ku yaalla," ayuu xusay Macalimuu ka badbaadey dhowr qarax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM