Ilhaan Cumar oo markii saddexaad loo doortey Congress-ka
WASHINGTON, USA - Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa si fudud waxay ugu guuleysatay mar saddexaad in ay kamid noqoto Aqalka Hoose ee baarlamaanka dalka Mareykanka.
“Kursigaan waa mid u gaar ah qof kasta oo degmadeyda ku nool, iyadoo aan loo eegin qofka uu jecel yahay, sida uu u tukanayo, midabka maqaarkiisa, iyo xitaa sida uu u codeeyo, waana sii wadi doonaa inaan u halgamo dhammaantiin," ayay tiri guusheeda kadib.
Cicely Davis, oo 47 jir ah kuna cusub siyaasadda, ayaan la tartantay Ilhaan Cumar oo 40 jir ah. Hase ahaatee, baratankeeda ma uusan ahayn mid xooggan si sahlan ayaana looga talaabsadey.
Omar ayaa wajahday cadaadis bishii Ogosto markii xubin hore oo ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis Don Samuels uu si la yaab leh ugu dhawaaday inuu ka adkaado.
Samuels wuxuu diiradda saaray taageerada Ilhaan Omar ee cabbirka codbixinta Minneapolis ee 2021 kaas oo wax ka beddeli lahaa waaxda booliiska kadib dilkii George Floyd.
Sannadkii 2018-kii, Ilhaan Cumar waxa ay ka mid ahayd labadii haween ee Muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay ee loo doorto Congress-ka. Mawduucyadda ay diiradda saartey waxaa kamid ahaa ilmo soo rididda, baabi'inta deynta amaahda ardayga iyo ilaalinta deegaanka.
Bishii Luulyo, Ilhaan Cumar ayaa la xiray intii uu socday mudaaharaad ka dhacay bannaanka Maxkamadda Sare ee Mareykanka kaasoo lagu taageerayay ilma-iska-soo-ridida.
Davis ayaa inta badan ololaheeda kawaday baraha bulshada, iyadda oo u doodaysay cashuur dhimis joogto ah, iyo taageeridda booliiska. Tani waxay fursad soo laabasho ah iyo culeys yar siisey Ilhaan Cumar.
GAROWE ONLINE