In ka badan 100 qof oo geeriyoodey iyaga oo dabah baadigoobaya

Image
Dhacdadan ayaa laga soo wariyay dalka saddexaad ee ugu wax soo saarka badan dahabka qaaradda Afrika.

NAIROBI, Kenya - Sarkaal ka tirsan dowladda Mali ayaa sheegay in in ka badan 70 qof ay ku dhinteen ka dib markii godka laga qodo dahabka oo aan rasmi ahayn ay soo duntay dabayaaqadii todobaadkii hore.

Sidda laga soo xigtay sarkaalkan, waxaa weli socda baadigoobka dad kale oo la aaminsan yahay in ay ku hoos-jiraan godka iyadoo laga cabsi qabo in khasaaraha uu sare u kaco.

Karim Berthe, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan National Geology and Mining Directorate, ayaa dhacdadan u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Associated Press Arbacadii, waxaana uu ku tilmaamay shil.

Ilaa hadda ma cadda waxa sababay burburka godka oo dhacay Jimcihii, waxaana Talaadadii lagu soo warramay war ka soo baxay Wasaaradda Macdanta oo lagu qiyaasay inay ku dhinteen “dhowr” macdan qodayaal ah.

Burburkan oo kamid ah dhacdooyinka naadirka ah ee laga soo wariyo waddankan ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kangaba ee koofur galbeed gobolka Koulikoro.

Shilalka noocaan oo kale ah ayaa ku badan dalka Mali oo ah dalka saddexaad ee ugu wax soo saarka badan dahabka qaaradda Afrika iyo mid kamid ah kuwa ugu ballaaran caalamka.

Soo-saareyaasha macdanta - kuwa yaryar, kuwa aan rasmiga ahayn - ayaa badanaa lagu eedeeyaa inay iska indhatireen tallaabooyinka badbaadada, gaar ahaan meelaha fog fog. taas oo keenta in ay ku geeriyoodaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM