Iskaashiga laamaha amniga Soomaaliya iyo Kenya oo korortay

Image
Axmed C/raxmaan C/llaahi ayaa noqdey eedeysanihii ugu dambeeyay ee xogtiisa is-dhaafsadaan labada dhinac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay nin baxsad ah oo lagu tuhunsan inuu dil kasoo geystay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Axmed C/raxmaan C/llaahi ayaa lagu waramay in uu Nairobi ku dilay Maxamed Xasan isaga oo adeegsanaya mindi kadibna uu safar dhulka ah kusoo galay caasimada Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa Axadii ku dhawaaqay in eedeysanaha la qabtay kadib markii ay heleen xog ku aadan inuu ka soo baxsaday dalka Kenya oo uu gudaha u galay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu ballan qaaday in ay hubinayaan in uu wajahayo cadaaladda si daahfuran.

Balse bayaanka laguma carabaabin in wada-shaqeyn dhexmartay Kenya iyo Soomaaliya ay kaalin ku leedahay soo qabashada eedeysanaha, inkastoo uu iminka xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo labada Dowladood.

Hay'adaha ammaanka Kenya ayaa horey waxa ay dhigooda Soomaaliya ugu soo gacan-geliyeen eedeysaneyaal kuwaas oo qeybtood lala xiriirinayo kooxaha argagixisadda ah.

Labada dal ayaa wajahaya hal khatar oo ah kooxda Al-Shabaab taas oo geysata weeraro ay ku beegsato xarumaha dowladda, fariisimaha ciidamadda iyo goobaha dadka kulmaan.

Sikastaba, Maxkamadaha Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa ay xukuno iyo dil toogasho ah ku fuliyeen dad lagu soo eedeeyay dilal, kuwaasi oo ay ugu horeeyaan ciidamada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM