Jidgooyada horyaala afar qodob oo hortabin u ah Xasan Sheekh
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal-jeedintiisa shir madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kusoo bandhigay afar qodob oo muddo xileedkan uu hortabinta koowaad ka dhigtey.
Xasan Sheekh oo horey usoo hogaamiyey Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012 illaa 2017 ayaa mar kale waxaa loo doortey madaxtinimada May, 15, 2022 taasoo ka dhigtey mas'uulkii ugu horeeyay sidaas sameeya.
"Ka Madaxweyne ahaan, ahdaaftaydu waa kuwo qayaxan: Inaan ka guulaysanno argagixisada caalamiga ah, xoojinno siyaasad loo dhan yahay, kobcinno dhaqaalaha, isla markaasna adeegyada aasaasiga ah gaarsiinno dadkeenna u qalma in loo adeego," ayuu ku yiri hadal-jeedintiisa.
Dagaalka Al-Shabaab ee maamulkiisa uu bilaabay ayaa ku saleysan saddex jiho; milatari ahaan, dhaqaale ahaan iyo fikir ahaan. Taageerada caalamka sida Mareykanka iyo Turkiga ayuu haystaan howlgalkan.
"Madaxweynanimadaydu waxay diiradda saari doontaa dhisidda jawi lagu heli karo horumar waari-og oo baahida dadka ku salaysan, annagoo ku billaabayna sidii aan nabadda uga ilaashan lahayn ururka argagigixisada caalamiga ah ee Al-Shabaab annaga oo la kaashanaynna dhammaan bahwadaagteenna caalamiga ah," ayuu sii raaciyey.
Deyn-cafinta ayaa ah caqabada ugu weyn ee hortaagan naaxinta dhaqaalaha Soomaaliya. Hay'adaha maaliyadda caalamka ayaa shuruud uga dhigay dhaafida qaantaas in wax laga badalo nidaamka lacagta waddanka.
"Xoojinta siyaasad loo dhan yahay waa arrin aad muhiim u ah gaar ahaan marka la joogo qaarad kala duwan sida Afrika oo kale. Waxaa Soomaaliya ka go’an inay sii ambaqaaddo wada-hadal iyo dib u heshiisiin iyo sidoo kale dhammaystirka geeddi socodka dib u eegista dastuurka," ayuu hoosta ka xariiqay.
Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxay ku taamaysaa in ay gaarto doorashooyin toos ah. Hase ahaatee, caqabada ugu xooggan waa Al-Shabaab oo xudun u ah nabad-gelyadda Soomaaliya.
"Siyaasad loo dhan yahay waa aasaaska nabadda iyo xasilloonida, waxaana ku kalsoon ahay inay dhiirrigelin doonto horumar dhaqaale iyo horukac qaran oo waari og oo ka dhasha Soomaaliya iyo qaaraddeenna," ayuu qiray.
Waajibaadka kale ee horyaala madaxda federaalka Soomaaliya waa dhameystirka dastuurka ku meelgaarka ah kaasoo jidgooyooyin badan ay hortaagan yihiin ayna ugu mudan tahay helida heshiis siyaasadeed meelmar ah.
GAROWE ONLINE