Kulayl iyo dhul-gariir: Xasuusta dadkii ka badbaadey "Soobe Laba"
ANKARA, Turkey - Gelinkii dambe ee Sabtidii ayay ahayd iyadoo dad badan ay ku mashquulsanaayeen nolol maalmeedkooda markii mid ka mid ah isgoysyada bartamaha caasimada Soomaaliya ay gilgileen qaraxyo mataano ahaa oo sababay dhimashada tobaneeyo qof.
Maleyshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii isgoyska Soobe oo ay ku dhinteen 120 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 300 oo kale.
Saraakiisha caafimaadka ayaa ka cabsi qaba in khasaaraha uu intaasi kasii bato maadaama dad badan la la’yahay. Dadka ka badbaaday weerarka oo la hadlay wakaaladda wararka Anadolu ayaa soo bandhigay xasuustooda 29-kii October, 2022.
Safiyo Cabdullaahi oo 26-jir ah ayaa xilliga qaraxa dhacayay waxay ku socdaaleysay mooto Bajaaj. Way badbaadey dhib la'aan, laakiin darawalkeedii nasiib uma yeelan.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa "Soobe Laba" ku sifeeyay qaraxyaddan xilli uu isagu ahaa qofkii ugu horeeyay ee xaqiijiyey in in ka badan 100 ruux ay ku naf-waayeen weeraradan.
Kulaylka iyo dhul-gariir
“Waxaan ka soo safray degmada Dharkiinley, waxaana u socday isbitaalka Kulan oo aan ku soo booqday saaxiibkay, isgoysku aad buu mashquul u ahaa, waxaa meel walba taagnaa baabuur, mootooyin, iyo dad, waxaana si lama filaan ah igu soo dhacay kulaylka, dhulkana waa gariiray, kadibna Waxaan maqlay qaraxyada, si mucjiso ah, waan ka badbaaday," ayay tiri.
Isgoyska Zoobe waa mid ah kuwa ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho. Shan sano ka hor 14-kii Oct, uu gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen bambaanooyin uu ku qarxay, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof. In ka badan 1,000 kale, oo u badan rayid, ayaa ku dhaawacmay.
Cali Cabdi Buulle oo 37-jir ah oo ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku sugnaa meel u dhow Bangi, uuna doonayay in uu lacag dhigo markii uu qaraxa dhacayay.
"Weerarka koowaad kadib, tobanaan qof ayaa u soo yaacay goobta," ayuu yiri Buulle. "Xaaladdu waxay ahayd mid qasan, meel walba waxaa ka yaalay dhiig iyo qashin, kaddibna waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka, waxayna noo sheegeen inaan dib ugu laabanno".
Qaraxa koowaad oo gaariga ahaa ayaa bartilmaameedsadey darbiga Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya. Al-Shabaab waxay sheegtay in bartilmaameedkooda uu ahaa xaruntan dowladeed.
Tirkoobka 2018-2019
Qarax labaad oo illaa haatan warar madax-banaan ay ku sheegayaan in uu ka dhashay mooto Bajaaj ayaa ku qarxay isla goobta waana midka galaaftey nolosha dadka ugu badan.
"Alle fadligiis waan ka badbaaday, balse, waxaa isla goobta ku dhintay 7 ka mid ah saaxiibadeyda aan aad isugu dhawaa,” ayuu yiri Buulle oo indhihiisa ka soo burqanayay ilmo intii uu wareysiga bixinaayey.
Tan iyo 2007dii, kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh al-Qaacida waxay qaaday olole lagu hoobtay oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caalamiga ah oo galaaftay nolosha kumannaan qof.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xasillooni darrada sii kordheysa ee Geeska Afrika, iyadoo warbixinno xilliyeedka ah oo ay Soomaaliya ka soo saarto sanadkan ay ku faahfaahisay weerarrada Al-Shabaab iyo kooxaha la safan kooxda argagixisada ah ee Daacish/ISIS.
Ugu yaraan 1,242 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weeraro argagixiso oo ka dhacay Soomaaliya 2018-2019, halka 1,735 ay ku dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay taasoo sheegtay in inta badan dadkan ay ahaayeen dad shacab ah.
GAROWE ONLINE