Laascaanood: Doodda ay Somaliland lasoo shir tagtay oo saqiirtey
HARGEYSA, Somaliland - Marka laga soo tago dagaalka furinta Laascaanood ka holcaya ee ay ciidamada Somaliland wadaan, waxa uu maamulka Somaliland markii ugu horeysey 24-kii saac ee lasoo dhaafay hawlgaliyay mas’uuliyiin.
Shaqsiyaadkan taabacsan xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa siyaabo kala duwan saxaafadda iyo beesha caalamkana uga dhaadhicinaya in Somaliland ku saxantahay dagaalka.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr Ciise Kayd oo hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay in ay is difaacdo, isaga oo shacabka magaalada ee is difaacayana ku eedeeyay in ay soo abaabuleen "kooxo argagixiso ah".
Doodda ugu weyn ee ay Somaliland lasoo shir tagtay ayaa ah "in argagixiso, maamulka Puntland iyo dowladda federaalka ay dabada ka riixayaan hawshan, ayna difaacanayso xuduudaheeda".
Dadka saxaafadda horyimid ee kiiska Somaliland u doodaya waxaa ka mid ah Dr Adna Aadan oo ah la taliye sare iyo xubin ka tirsanayd guddiga wadahadalda Somaliland.
Adna ayaa ku dooday "in haddii la burburiyo Laascaanood, dib looga dhisi karo magaalo kale oo casri ah", iyada oo u muuqatay in ay u qiil samaynayso duqeymaha aan kala go’a lahayn ee Somaliland ku hayso magaaladaas.
Kullan ay Arbacadii isugu yimaadeen golaha wasiiradda Somaliland ayaa go’aanadii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in "wadahadal" lagu dhameeyo dagaalka Sool, balse ficilka ay ciidamada Somaliland kasii wadaan waa ka duwanaa baaqaasi.
Aqoonyahano qaddiyadda Somaliland muddo u taagnaa ayaa ka mid ah dadka saxaafadda adduunka iyo baraha bulshada ku faafinaya in dagaalka ay qeyb ka yihiin kooxda Daacish, ciidamada PSF ee Puntland iyo kuwa dowlad deegaanka.
Hase ahaatee, eedeymahaas oo aanan loo haynin wax caddayn ah, ayna suurtagal ahayn in dhinacyo iyaga dagaal muddo dheer ka dhaxeeya ay iska barbar dagaalamaan.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa u muuqata in ay ku guuldaraysanayso doodda dhankeeda ah iyo iibinta fikirkeeda xilli ra’yul caamka iyo aragtida Soomaalida oo dhami ay u janjeerto dhanka shacabka Sool ee "xaq-u-dirirka ah".
GAROWE ONLINE