Lula Da Silva: Xabsi, waraaqo jacayl illaa qasriga madaxtooyada
BRASILIA, Brazil - Madaxweynaha la doortay ee dalka Brazil Lula Da Silva ayaa ah shaqsi kasoo jeedda qoys aad faqiir u ahaa oo degenaa gobolka Waqooyi Bari Brazil, waxayna usoo guureen magaalada weyn ee Sao Paulo, halkaas oo uu aabahood kaga soo horeeyay.
Balse markii ay ka dabo yimaadeen isaga iyo hooyadiis, waxa ay u yimaadeen aabihii oo xaas kale iska guursaday, wuxuuna dayacay Lula hooyadiis. Taas waxa ay keentay in Lula ay korsato hooyadiis, isaga iyo 8 carruur ah.
Lula isaga oo 14 jir ah ayuu ka shaqo bilaabay warshadaha birta, waana meesha ay noloshiisa siyaasadeed salka ku yeelan doonto. Muddo kadib waxa uu madax ka noqday ururka shaqaalaha warshadaha.
Sanaddii 1989-kii ayuu markii ugu horeysay isu sharaxay madaxweynenimada dalkaasi, isaga oo taageero ka haysta urur weynaha shaqaalaha oo ah mid aad u xoog badan.
Ugu dambeyn 2002-dii ayaa loo doortay xilka madaxweynenimada, wuxuuna hayay illaa 2010-kii, isaga oo labo jeer kusoo laabtay xilka.
Lula markii uu xilka ka dagayay wuxuu haystay taageerada 80% shacabka dalkiisa, wuxuuna xilka ku wareejiyay haweenayda lagu magacaabo Dilma Roussef, taas oo balse markii ay labo sano oo kaliya haysay xilka ay kusoo baxeen fadeexado waaweyn oo markii dambe horseeday in xilka looga tuuro.
Fadeexadahaas waxa ay salka la galeen Lula oo lagu xukumay muddo xabsi ah, illaa markii dambe uu garsoore meesha ka saaray dacwadihii loo haystay.
Intiise uu xabsiga ku jirey waxaa geeriyootay xaaskiisa, wuxuuna xiriir qarsoodi ah la bilaabay haweenay lagu magacaabo Jinja, iyaga oo is dhaafsan jirey waraaqo jacayl.
Waraaqaha waxaa jaakadiisa ku qarin jirey garyaqaanka Lula, oo u geyn jirey marka uu xabsiga ugu tagayo maadaamaa booliiska illaalinaya aysan baari karin garyaqaanka.
Inkasta oo hadda lagu dhowaaqay in uu isaga guuleystay, weli madaxweyne Bolsanaro ma uusan aqbalin natiijada, waxaana dalkaasi ka socdo mudaaharaadyo waaweyn oo ay dhigayaan taageerayaasha madaxweynaha hadda xilka haya.
Lula ayaa lagu tilmaamaa hoggaamiye isbadel weyn keenay markii uu xukunka joogay, waana nin si weyn looga jecelyahay dalkaasi oo hadda ku jira marxalad adag.
GAROWE ONLINE