Madaxwayne loo haysto nus milyan oo la xaday isagoo maqan
CAPE TOWN, South Africa- Guddi uu saaray baarlamaanka dalka Koonfur Afrika oo baarayay dhacdo xatooyo lacag oo ku lug leh madaxweynaha dalkaasi Cyril Ramaphosa ayaa soo bandhigay warbixin kama dambeys ah, taas oo madaxweynaha lagu eedeeyay in uu gef galay.
Lacagta ayaa laga xaday beer uu leeyahay Ramaphosa sanadkii 2020-Kii xilli uu ku maqnaa shirka Midoowga Afrika oo Addis ka dhacayay.
Waxa la sheegay in lacagta dhannayd Nus Malyuun doolar, kuna jirtay barkimaha fadhiga, taas oo kasoo xarootay iibka 20 lo’ gasi ah oo uu iibsaday ganacsade Suudaanta Koonfureed u dhashay sida uu madaxweynaha u sheegay guddiga baarlamaanka.
Ramaphosa Ayaa ka hor inta uusan madaxweyne noqon waxa uu ahaa ganacsade lacag badan haysta, waxana lagu yaqaanaa in uu xanaanaysto ama leeyahay lo’ gasi badan oo beertiisa ku dhaqan.
Mucaaradka dalkaasi ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uusan booliiska ku wargalinin xatooyada, ayna jiraan wax uu qarinayo.
Guddiga Ayaa sidoo kale Madaxweynaha ku eedeeyay qeyru masuulnimo, warbixintan oo la horgeyn doono baarlamaanka si uu Uga doodo, taas oo madaxweynaha ku furi karta furumo cusub oo siyaasadeed.
Waxaa lagu eedeeyay in uu wacay madaxweynaha Namibia si uu tuugada u qabto, kuwaas oo dalkaas u cararay markii Ay lacagta xadeen. Waxaa Aad loola yaabay sababta Madaxweynaha lacagta intaasi dhan uu Bangiga ugu shubi waayay.
GAROWE ONLINE