Madaxwaynihii "la isku dayay in nolol lagu aaso" oo soo noqdey
RIO DE JENEIRO, Brazil - Luiz Inácio Lula da Silva ayaa mar kale waxaa loo doortay madaxweynaha xiga ee waddanka Brazil, kadib soo laabasho cajiib ah iyo tartan adag oo soo idlaadey Axadii shalay ee todobaadkan.
Guushiisa waxay ku bishaaraynaysaa weji siyaasadeed cusub oo ku wajahan waddanka ugu weyn Latin America, ka dib afar sano oo maamulka midigta fog ee Jair Bolsonaro.
Siyaasiga 76-jirka ah ayaa guushiisa aadka loo saadaalinaayey waxay ka dhigan tahay dib ugu soo laabashada garabka bidixda ee awoodda hogaaminta waddanka Brazil.
Lula da Silva ayaa eedeymo musuqmaasuq oo isdaba joog ah waxay horseeday in xabsiga lagu sii hayo 580 maalmood. Xukunka ayaa markii dambe waxaa baabi'isay maxkamadda sare, taasoo banneysay wadadii uu mar kale ugu tartami lahaa.
"Waxay isku dayeen in ay nolosha igu aasaan, aniguna halkan ayaan joogaa," ayuu ku yiri khudbad farxadeed oo uu u jeediyay taageerayaashiisa iyo saxafiyiinta fiidnimadii Axadda, isaga oo guusha ku tilmaamay "soo noolayntiisa" siyaasadeed.
Wuxuu raaciyey: "Laga bilaabo Janaayo 1, 2023, waxaan maamuli doonaa 215 milyan oo reer Brazil ah, kaliya ma ahan kuwa ii codeeyay. Ma jiraan laba Brazili ah. Waxaan nahay hal waddan, hal dad, hal qaran oo weyn".
Dalka siyaasadda kala qeybisay oo ay ragaadisay sinnaan la’aan baahsan oo weli u halgamaysa sidii uu uga soo kaban lahaa masiibada Covid-1 ayuu hogaamin doonaa.
Ku dhawaad 9.6 milyan oo qof ayaa ku hoos dhacay heerka faqriga intii u dhaxaysay 2019 iyo 2021, iyo heerka wax-akhris la'aanta iyo dugsiyadu hoos ayay u dhaceen.
Waxa kale oo uu la kulmi doonaa qaran si qoto dheer u jajaban iyo arrimaha deegaanka ee degdegga ah, oo ay ku jiraan xaalufinta baahsan ee Amazon.
Sikastaba ha ahaatee, guushan waxay noqon doontaa markii seddexaad oo uu Luiz Inácio Lula da Silva xilka qabto ka dib markii uu hore u maamulay Brazil laba xilli oo isku xigta intii u dhaxaysay 2003 iyo 2010.
GAROWE ONLINE