Madaxweynaha Afrikaanka ah ee lagu naaneeso “Yaxaaska”
NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa, ayaa mar labaad loo doortay xilka madaxtinimada isagoo helay 52.6% codadkii la dhiibtay, sida ay sheegeen guddiga doorashada.
Mr Mnangagwa waa madaxweynihii saddexaad ee Zimbabwe. Inqilaabkii 2017 ee ka dhanka ahaa hoggaamiyihii ruug caddaaga ahaa ee Robert Mugabe ayaa xilka u dhiibay.
Markii ugu horeysay ee uu noqday madaxweynaha, Mr Mnangagwa - oo loo yaqaan "Yaxaaska" naxariis la'aantiisa awgeed - wuxuu ballanqaaday waayo cusub oo u bilowday dadka dalkiisa.
Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in 80-jirkan uu afka qabtey mucaaradka, isla markaana uu cadaadis ku saaray mucaaradka ka hor codbixinta oo la filayay inuu ku guuleysto.
"Yaxaaska" oo ah mid kamid ah xayawaanada ugu naxariista daran dalkan ayaa bilaabatay in si weyn loo adeegsadey dagaaladii sokeeye ee dhacay 1980-aadkii.
Zimbabwe ayaa ku suntan mid kamid ah heerarka ugu sareeya sicir-bararka adduunka. Bishii Luulyo waxa uu gaarey 101.3% tan iyo sannadkii hore.
Shaqo la'aanta ayaa sidoo kale weli ah mid baahsan, iyadoo 25% kaliya dadka Zimbabwe ay hayaan shaqooyin rasmi ah oo aysan ka walwalin nolol maalmeedkooda caadiga ah.
GAROWE ONLINE