Madaxweynaha ugu xukunka dheer dunida oo wali soo taagan

Image
Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, oo 80 jir ah, ayaa mar kale raadinaya ruqsad uu kusii taliyo.

MALABO, Equatorial Guinea - Madaxweynaha ugu xukunka dheer guud ahaan caalamka ayaa doonaya in mar kale la doorto si uu u sii wato hogaamintiisa mudada 43-sanno ee uu ka talinayo waddanka Equatorial Guinea.

Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, oo 80 jir ah, ayaa maamulkiisa waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ay ku jiraan jirdil iyo dad la waayay.

Qaar ka mid ah musharixiinta mucaaradka ayaa isu soo taagay in ay badalaan Mbasogo balse lama filayo inay guulaystaan maadaama la tuhunsan yahay in is-dabamarin ay dhici doonto.

Madaxwaynuhu waxa uu gacan adag ku hayaa qarankan qaniga ku ah shidaalka, iyada oo xubnaha qoyskiisa ay haayaan xilalka muhiimka ah ee dawladda.

Wiilkiisa caanka ah ee ah madaxweyne-ku-xigeenka dalka, Teodoro "Teodorin" Nguema Obiang Mangue, wuxuu nolol wanaagsan ku qaataa gudaha Mareykanka iyo Yurub, wuxuuna xitaa leeyahay galoofis qaali ah oo daboolan oo uu mar lahaan jiray Michael Jackson, sida laga soo xigtay madaxda UK.

"Doorashadu waa wax la isku qurxiyo oo kaliya," Professor Ana Lúcia Sá ayaa u sheegtay BBC. "Wax isbadal ah lama filayo waxa la hubo waa in uu soo bixi doono ama soo laaban doono Obiang 95%".

Aragtida Ana Lúcia Sá oo ku xeel-dheer siyaasadda iyo maamullada Afrikaan ah ee kaligiitaliska ah ma ahan mid kaliya iyada ku kooban waxaa jira kuwa badan oo ku raacsan sidda Tutu Alicante.

"Maalinta Axadda dadku waxay dhiiban doonaan codka ay dawladdu ka filayso, sababtoo ah si xor ah ugama hadli kartid maskaxdaada Equatorial Guinea," ayay tibaaxdey Alicante oo daneeya siyaasadda.

Alicante ayaa hadalkiisa wuxuu intaas kusii daray: "Mucaaradku fursad ma haystaan. Wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo ay ku qaadato inuusan ka tagin xukunka".

Fursada mucaaradnimo ee ka jirta waddankan ayaa aad u hooseysa. Sidoo kale, ma jirin warbaahin si madax-banaan ugama warami karta dhamaan dhacdooyinka waxaana gacanta kuwada haysa dowladda.

Madaxweyne Obiang ayaa hore wuxuu gaashaanka ugu dhuftey dhaliisha ah in uu doonayo in uu ku xad-gudbo xuquuqda aadanaha iyo ku shubashada doorashada.

Bishii Sebtembar, dowladdu waxay meesha ka saartay ciqaabtii dilka, tallaabadaas oo ay ammaantay Qaramada Midoobay. Hase ahaatee, waxaa loo arkay isku-dayo uu Mr Obiang kusoo jiidanayo daneeyeyaasha Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM