Mahadhooyinka wali la nool dadkii ka badbaadey qaraxii Zoobe

Image
Haddii dhismaeyaasha la dayactiray, isu-socodkii soo noqdey, balse quluubta dhibaneyaasha xasuuqan wali way ilmeynaysaa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shan sano guuradii ka soo wareegatay qaraxyadii 14-kii October ka dhacay Muqdisho kuna dhinteen in ka badan 500 oo qof ayaa labo kamid ah dadkii ka badbaaday waxay ka hadleen xasuustooda maalintaas iyo noloshooda kadib weerarkas.

Isgoyska Soobe, mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, ayaa halmar waxaa hakad galay isu-socodkii kadib markii uu ku qarxay gaari xamuul ah.

Weerarkan ayaa lagu asteeyay midkii ugu dhimashadda badnaa ee lala xiriiriyo argagixiso ee ka dhacay taariikhda casriga ah ee Soomaaliya iyo mid kamid ah guud ahaan caalamka.

Haddii dhismaeyaasha dib loo dhisay, isu-socodka jidka uu soo laabtey, saamaynta aan la arki karin waxay wali la nooshahay qaar kamid ah dadkii ka badbaadey dhacdadaas.

"Waa xusuus xanuun badan," ayuu yiri Xasan Cabdullaahi Gacal oo u waramay Africa News. “Waxaan indhaheyga ku arkay meydad badan oo dhulka daadsan, halkaana ka shaqeyn jiray, Isgoyska Soobe, qaarkood waa la baabi’iyay, qaarna haraaga iyo lafaha kaliya ayaa lagu aqoonsaday, maalintaa naxdin ayay igu noqotay".

Bukaanada iyo xukumaneeyasha

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan naxdinta leh, balse dowladda ayaa ku eedeysay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab. Weerarka wuxuu sidoo kale noqdey midkii ugu dhimashada badnaa qaaradda Afrika.

Boqolaal qof kale sidda Bile Aadan Faarax ayaa ku dhaawacmay qaraxa. "Qaraxii weynaa ee gaariga xamuulka ahaa aad buu ii saameeyay, balse hadda waxaan Alle uga mahad-celinayaa soo kabsashadayda," ayuu xusay.

Wuxuu raaciyey: "Waxaana dhaawac weyn iga soo gaaray dhabanka iyo madaxa, balse hadda waan bogsaday. Allaah ayaa mahad leh, waxaan bilaabay shaqada markale".

Bishii Febraayo 2018, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku riday Xasan Aadan Isaaq oo 23 jir ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay qeybta Al-Shabaab oo la sheegay inay fulisay weerarka. Waxa la toogtay Oktoobar.

Eedeysane kale ayaa isna isaga oo maqan lagu xukumay dil toogasho ah laguna eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda iyo in uu bixiyay gaarigii loo adeegsaday weerarka.

Kacdoonka shacab ee ka dambeeyay

Midka saddexaad ayaa waxaa isna lagu xukumay saddex sano oo xadhig ah, kaddib markii uu u oggolaaday in baabuurku uu si xor ah u dhex maro jidgooyo.

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya dadka deegaanka iyo saaxiibo caalami ah ayaa wada hadda olole ka dhan ah kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee ku dhuumaaleysanaysa degaanada miyiga.

Dowladda federaalka ayaa "kacdoon shacab" ugu yeertey ololahan milatari oo intiisa badan ka soconaya goboladda Hiiraan, Galgaduud iyo qaybo kamid ah Labadda Shabeelle.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortey xilka madaxtinimadda Soomaaliya ayaa wacad ku maray in maamulkiisa uu Al-Shabaab kala dagaalami doono dhanka ciidanka, dhaqaalaha, iyo caqiiqadda.

Marka loo eego diiwaannada ay soo aruuriyeen kooxda mashruuca xogta isku dhaca hubeysan, iyo warbixin la daabacay 2020, waxaa lagu qiyaasay in in ka badan 4,000 oo rayid ah ay ku nafwaayeen weerarrada Al-Shabaab ee Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Jabuuti tan iyo 2010-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM