Mahmoud Ahmadinejad: Madaxwayne hore oo Ido dhaqasho door-biday

Image
Marka uu huteel dego, waxa uu waydiistaa qol raqiis ah, laga yaabee xataa sariir la’aan.

TEHRAN, Iran - Madaxweynihii hore ee Iran oo xilka hayay (2005-2013)Mahmoud Ahmadinejad , oo si nabad ah u dhaqanaya ido ka dib markii uu iska casilay xilkii madaxweynenimo.

Madaxwaynihii hore waxa uu ka tanaasulay lacagta hawlgabka ah ee uu ku qaadan jiray madaxweynanimada, waxuu dib ugu soo noqday Jaamacadii uu wax ka dhigi jiray, waxana uu qaadan jiray lacag dhan 250 dollar bishii, waxana uu si sharaf leh ugu nool yahay gurigiisa.

Marka uu huteel dego, waxa uu waydiistaa qol raqiis ah, laga yaabee xataa sariir la’aan, sababtoo ah waxa uu jecel yahay in uu dhulka ku seexdo hal furaash oo buste hoostiis ah, bas buu dadweynaha la raacaa.

Su'aalaha ku saabsan sababta isaga oo ah madaxweynaha laba xilli, uusan nolol heer sare ah ku noolaan karo ka doortay mida baadiyaha, Axmadinejad wuxuu ku jawaabay in hoggaamiyaha dhabta ah uu u noolaado sida dadkiisa u nool yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM