Makaanikiistihii hore ee gilgili doono masraxyada fanka Mareykanka

Image

WASHINGTON, USA - Heesaaga caan ah ee ruxay masraxa madadaalada Soomaaliya, Sharma Boy, ayaa bishan hibadiisa faneed ku gilgili doona magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka. Bandhiga waxaa qeyb ka ah laba riwaayadood iyo latalinta dhalinyarada degaanka.

Sharmaarke C/naasir Maxamed oo ku magac dheer Sharma Boy ayaa horaantii todobaadkan gaarey Ameerika si uu uga qeybgalo bandhig faneedka xagaaga oo ay isugu yimaadaan boqolaal Soomaali Mareykan ah oo ku nool magaalooyinka mataanaha ah oo ay ku ciyaaraan kubada cagta iyo madadaalada muusiga oo socon doona muddo todobaad ah.

"Waan ku faraxsanahay inaan soo booqdo Minnesota," ayuu Sharma Boy, oo ah 23-jir u sheegay Sahan Journal. "Waxaan dareemayaa wax aad u wanaagsan inaan ugu dambayntii soo booqdo oo aan bandhig faneed u qabto taageereyaasheyda Mareykanka".

Bandhig faneedka ayaa 1-da July ka dhacaya Hoolka Jaamacadda Minnesota ee Ted Mann. Waa booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Mareykanka. Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo Garowe ayaa degaankiisa ahaa bilooyinkii lasoo dhaafay.

Makaakiniste iyo shaqaale foorno rooti

Sharma’arke waxa uu sannadkii 1999-kii ku dhashay magaalada Burtinle ee Puntland. Isaga oo caruur ah ayuu hooyadii u raacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dib markii ay kala tageen aabihii.

Inta badan koriinkiisa waxaa gacanta ku haysay hooyadii mana uusan soo arkin daryeelka aabe. Waxa uu galay dugsi qur’aan, waxa uu dhammaystay waxbarashadiisii ​​dugsiga hoose.

Dhaqaale xumo ayaa lasoo daristey qoyskiisa isaga oo ku jira dugsiga sare, Sharma Boyna waxa uu noqday mid ka haro waxbarashadda. Waxa uu kaga baxay fasalka 10-aad si uu u shaqeeyo.

"Waxaan qabtay shaqooyin kala duwan," ayuu yiri Sharma Boy. “Farsame-yaqaan ayaa ka noqdey geerash. Waxa kale oo aan u shaqayn jiray shirkad yar oo ka shaqeysa sameynta rootiga".

Yaa Sharma Boy u duuliyey Mareykanka?

Naadiga Ciyaaraha Fudud ee West Bank (WBAC), koox horumarineed oo ay aas-aaseen dhalinyaro, ayaa qaban-qaabineysa tartanka kubbadda cagta tan iyo 2008-dii, iyada oo ay ka soo qaybgaleen tobanaan kooxo ah oo ka kala yimid Maraykanka.

Sannadkan, Bandhigga Xagaaga ee WBAC ayaa la balaariyay si loogu daro bandhig faneedka iyo nashaadaadka dhaqanka waxaana fursadda koowaad hantiyey Sharma Boy oo hantey quluubta Soomaali badan.

Sharma Boy, booqashadiisa Minneapolis iyo wadashaqeynta fanaaniinta Mareykanka waxay kor u qaadi doontaa awoodiisa soo saarista muusikada iyo furista fursado badan.

"Haddii aan Maraykanka u iman karo bandhig faneed," ayuu xusay Sharma Boy, oo shaqo ugu soo safray Jabuuti iyo Zambia, "uma malaynayo inaan weligay la kulmi doono wax dhibaato ah marka ay timaado booqashada ama tagida waddan kale oo ku yaala daafaha adduunka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM