Maqaaxi jirtey 5,000 sano kahor oo laga helay koonfurta Ciraaq
BAQDAAD, Ciraaq - Khubaro ku xeel-dheer waxyaabaha qadiimiga ah ayaa koonfurta Ciraaq ka helay wax ay ku sheegeen "hadhaagii maqaaxi jirtay ku dhawaad 5,000 oo sano ka hor," sidda ay ku warantey AFP.
Baareyaasha oo kasoo kala jeeda dalalka Talyaaniga iyo Mareykanka ayaa waxay rajaynayaan in tani ay iftiimiso nolosha dadka caadiga ah ee ku nool magaalooyinka ugu horreeya adduunka.
Mehradan ayaa laga helay magaalada casriga ah ee Nasiriyah, taas oo horey loo ogaa inay ahayd mid ka mid ah xarumaha ugu horreeya ee magaalooyinka ee ilbaxnimada Sumerian ee Ciraaq hore.
Kooxda wadajirka ah ee ka socota Jaamacadda Pennsylvania iyo Jaamacadda Pisa ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin natiijadda kasoo baxdey cilmi-baarista ay soo wadeen sanadihii ugu dambeeyay.
Waxyaabaha ay goobta ku arkeen waxaa kamid ah haraadiga hab qaboojiye hore, foorno weyn, kuraas loogu talagalay cunto-cunista iyo ku dhawaad 150 maddiibadood oo adeeg ah.
Kalluunka iyo lafaha xayawaanka ayaa sidoo kale waxay kamid yihiin waxyaabaha laga helay maddiibadihii, iyadoo ay weheliso caddaymo muujinaya khamriga, kaas oo si weyn ugu dhex faafay Sumeriyiinta.
Koonfurta dalka Ciraaq ayaa la aaminsan yahay in ay ku yaalaan magaalooyinkii ugu horeeyay aduunka. Wax-soo-saarkii beeralayda ayaa ahaa dalagyadii ugu horeeyay ee dadka halkan ku nool ay caanka ku ahaayeen.
GAROWE ONLINE