Mareykanka: Soomaali halgan ugu jirta taariikh cusub oo qormaysa

Image
Guud ahaan Ameerika, 11 Soomaali Maraykan ah ayaa u tartamaya kuraasta goleyaal sharci-dejin ah.

WASHINGTON, United States - Ismaaciil Maxamed waa garyaqaan da’yar oo Soomaali ah, ahna musharax u taagan golaha sharci dejinta ee Ohio. Wuxuu kamid yahay Soomaali badan oo tagay Mareykanka markii dagaalada ka qarxeen Soomaaliya. Dadka ugu badan ee taageeraya waa Jaaliyadiisa - oday illaa dhalinyaro.

"Waa wax lagu faano, waad ogtahay, inaad booskan qabato, laakiin waxay ku saareysaa cadaadis badan meesha ay dadku runtii rajooyin sare ka qabaan," ayuu yiri mar uu la hadlaayay wakaaladda AP.

30-jirkan Dimuqraadiga ah ayaa diyaar u ah in uu sidoo kale codadka waydiisto dadwaynaha kale ee aan Soomaaliga ahayn si uu u gaaro yoolkiisa dhanka siyaasadda uguna adeego dadka uu matalo.

Maana Cabdi waa Soomaali kale oo filaysa in ay ku guulaysato tartan adag oo kusoo fool leh ayna taariikh sameyso iaydda oo noqoneysa qofkii ugu horreeyey ee Soomaali Maraykan ah oo ka tirsan golaha sharci-dejinta Maine.

26-jirtan Dimuqraadiga ah ayaa timid America iyadoo caruur ah, waxa ay ka qalin jabisay Jaamacadda Maine ee Farmington, waxayna ka shaqeysaa Kulliyadda Bates, lamana tartamin, sababtoo ah musharraxa xisbiga Jamhuuriga ayaa isaga haray kadib markii ay baraha bulshada ku qortey fariin ah in Muslimiinta aysan qaban karin wax xil ah.

Ciwaanka ololahooda

Waxaa tartanka kula jira kara qof kale oo Soomaali Mareykan ah oo u taaga Duqa Koonfurta Portland waana Deeqa Dhalac, oo u tartameysa degmo kale oo sharci-dejin ah oo ku taal Maine.

Dhalac, oo ah 54 jir ka shaqeysa arrimaha bulshada, kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa sheegtay in qeyb ka mid ah sababaha ay ku dhiirigelisay in ay isu soo sharaxdo uu yahay madaxweynihii hore ee Jamhuuriga Donald Trump, oo faallo aan fiicneyn ka sheegay muhaajiriin ka yimid Haiti iyo Afrika oo uu ka mamnuucay safarka dalal badan oo Muslim ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

“Hadii aan is sharaxi weyno dadka kale kuma eedayn karno siyaasad iyo sharci oo aan ka dacwoon karno, waa in aad miiska imaanaa hadii aan rabno in aan go’aamo wanaagsan u soo saarno beeshadeena," ayay xustey.

Siyaasiyiinta cusub ee Soomaalida ah waxay ku ololeynayaan kordhinta guriyaha, badbaadada dadweynaha iyo kordhinta maalgelinta dugsiyada - waana arrimaha sida tooska ah u saameeya bulshadooda.

Guud ahaan Ameerika, 11 Soomaali Maraykan ah ayaa u tartamaya kuraasta sharci dejinta ee Maine, Minnesota, Ohio iyo gobolka Washington. Soomaalida Maraykanka ayaa sidoo kale waxaa xilal ka haayaangolaha deegaanka, guddiyada dugsiyada iyo, gobolka Minnesota gaar ahaan kuraasta sharci-dejinta iyo Congress-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM