Soomaali la toogtay kadib markii uu dhagax ku tuuray gaari boolis ah
WASHINGTON, USA - Cali Cismaan oo ah 34 jir Soomaali ah oo ku nool magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa dhagaxaan ku tuurayay gaari ay wateen ciidamada booliska Axadii lasoo dhaafay.
Askariga oo ka baxay goobta uu shilku ka dhacay, ayaa ka degay gaariga, waxaana la sheegay in Cismaan uu u sheegay inuu istaago.
"Hal dhagax ayaa la tuuray, [iyo] markii shaqsigu isu diyaarinayay inuu tuuro dhagaxa labaad, markaas ayay dhacday toogashada uu sarkaalku ku lug lahaa," Brian Bower oo ka tirsan Waaxda Bilayska Phoenix ayaa u sheegay Fox 10 News.
Sarkaalka ayaa la sheegay in uu dhowr xabadood ku dhuftay Cismaan. Dhaawaca ninkan ayaa loo qaaday isbitaalka halkaasi oo uu ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Qoyskiisu waxay u sheegeen warbaahinta maxalliga ah in Cusmaan uu la macaamilay cudurka maskaxda, kaas oo lagu daweynayo. "Cismaan sidoo kale horey uma sameynwax dambi ah," xubnaha qoysku waxay yiraahdeen.
Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Gobolka Arizona ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in ay aad uga xun yihiin geerida Cusmaan.
"Waan cambaareyneynaa rabshad kasta oo loo geysto dadka Black iyo Brown ah ee Waaxda Bilayska Phoenix," ayaa lagu yiri bayaanka. “Alle ha siiyo Cali darajadii ugu sareysay janadii fardowsana ha ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna xanuunka ha ka dulqaado, bulshadeenana cadaalad deg deg ah ha u keeno”.
Xiriirka u dhexeeya booliiska iyo bulshooyinka madowga, Brown iyo Muslimiinta ee Maraykanka ayaa waxaa ka dhashay xiisad.
Geeridii George Floyd ee Minneapolis sanadka 2020 waxay dib u soo cusboonaysiisay naxdintii qarniyo cadaalad darada isir sooc ah iyo axmaqnimada bilayska ee ka dhanka ah dadka Madaw ee Maraykanka ah.
GAROWE ONLINE