Markabkii bilaabay dagaalkii 1aad ee dunida oo lasoo celiyey
BELGRADE, Serbia – Serbia ayaa matxaf biyo dul-sabeynaya u rogtay markab dagaal kaasoo riday rasaastii ugu horeysay ee bilowday dagaalkii koowaad ee aduunka, ka dib sanado badan oo ay u ololeynayeen dadka aadka u quudareeya maraakiibta badda in dib loo soo celiyo.
SMS-ka Bodrog wuxuu ahaa mid ka mid ah laba maraakiib culus oo ay adeegsadeen ciidamaddii Austro-Hungary ah una shiraacday halka ay ku kulmaan webiyada Sava iyo Danube saqdii dhexe ee 28-kii Luulyo, 1914-kii.
Labadan markab ayaa madaafiic ku garaacay saldhigyada Serbia ee Belgrade, taasoo astaan u noqotay bilawga dagaalka afarta sano socdey ee ay ku dhinteen ku dhawaad 20 milyan oo qof.
Markab kalkii dambe loogu magacdaray Sava ayaa sidoo kale wuxuu ka qayb qaadatay dagaalkii labaad ee aduunka ka dib markii ay la wareegeen Naasigii Jarmalku xukumayay ee Croatia, waxaana adeegsadey ciidamadii badda ee hore ee Yugoslavia ilaa 1962-kii ka dib laga iibiyay shirkad gaar loo leeyahay isaga oo ah mid gaamuray.
Sanado badan wuxuu ahaa mid yaalay meel u dhow Belgrade ka dib markii la joojiyey adeegsigiisa ka hor inta aysan dawladda Serbia ku darin liiska dhaxalka qaranka ee mudan in la ilaaliyo 2005-tii.
"Sannadkii 2015-kii, Wasaaradda Difaaca waxay go'aansatay in markabka la hoos geeyo, waxaa lagu daray liiska Matxafka Militariga, dhowrka sano ee soo socdana waa la soo celiyay oo dib ayaa loo qalabeeyay," ayuu yiri Natasa Tomic, oo ah khabiir Matxafka Militariga ee fadhigiisu yahay Belgrade.
Natasa oo u waramay wakaaladda wararka Reuters ayaa daaha ka rogay in talaabadan ay la macno tahay in jiilalka soo aadan ay ka heli doonan waaya-aragnimo badan.
Sava, oo hadda matxaf ahaan loo dhigay bartamaha magaalada Belgrade, waa mid ka mid ah laba kormeerayaal wabiga Austro-Hungary ee badbaaday kuwaas oo la adeegsadey dagaalkii koowaad ee aduunka. Midda kale waa SMS Leitha oo ku yaala caasimada Hungary ee Budapest.
GAROWE ONLINE