Mas'uul ka shaqeeyay Soomaaliya oo xilal sarre loo magacaabay
NEW YORK, USA - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa u magacaabay Maxamed Ag Ayoya oo u dhashay dalka Mali inuu noqdo isuduwaha cusub ee dadka degaanka ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.
Jagadda Isuduwaha dadka deegaanka waa wakiilka ugu sareeya ee arrimaha la xariira horumarinta Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ee heer waddan.
Ayoya ayaa sidoo kale loo magacaabay ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (MINUSCA).
Si lamid ah, waxa uu ku shaqayn doonaa kaalinta isku duwaha arrimaha bini'aadantinimada ee dalka, sida uu sheegay xafiiska warfaafinta ee madaxa Qaramada Midoobay.
Denise Brown oo u dhalatay Canada ayuu badalay kaasoo dhankiisa loo magacaabay isku duwaha Qaramada Midoobay ee deganaanshaha iyo isku duwaha bini'aadantinimada ee Ukraine.
"Ayoya waxaa lagu xushay waayo-aragnimadiisa iyo aqoontiisa dheer oo arrimaha bini'aadantinimada ah, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xaaladaha degdegga ah ee adag iyo arrimaha ilaalinta carruurta," ayaa lagu qeexay qoraalka.
Ayoya waxa ay soo noqotay wakiilka Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay ee goobaha colaadaha ba'an ay saameeyeen sida wadamo ay Soomaaliya hogaamineyso kuna jiraan Koonfurta Suudaan iyo Afgaanistaan.
GAROWE ONLINE