Mas'uul lala xiriiriyey shirkad xalaaleysa hilibka oo wajahaya baaris

Image
Ganacsiga Senator Bob Menendez oo ka tirsan baarlamaanka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay "is-dabamarin iyo khibrad la'aan".

WASHINGTON, USA - Senetar reer Mareykanka ah Bob Menendez ayaa wajahaya baaritaan federaali ah lana xiriira shirkad fadhigeedu yahay New Jersey oo shahaado siisa hilibka xalaasha ah ee loo dhoofiyo Masar, sida ay warisay wargeyska The New York Times.

Warbixinta oo la daabacay todobaadkii hore ayaa lagu sheegay in saraakiil ka tirsan FBI-da oo kaashanaya xeer-ilaaliyeyaal Maraykan ah oo ku sugan degmada Koonfurta New York ay baarayaan ganacsiga IS EG Halal oo Waaxda Beeraha ee Maraykanka (USDA) ay sheegtay in aysan lahayn khibrad ku filan.

Sida laga soo xigtay laba qof oo u dhuun-daloola kiiska, baaritaanka ayaa lala xiriirinayaa Menendez, oo ah guddoomiyaha guddiga awoodda badan ee xiriirka dibadda ee Senate-ka, inkastoo nooca baaritaanka uusan caddayn.

Menendez ayaa sheegay dhacdo lasoo wariyey New Jersey Jimcihii ay u muujisay in dacwad oogayaasha federaalku ay wadeen baaritaan isla markaana uu diyaar u yahay inuu caawiyo "xilli kasta iyo haddii ay su'aallo u qabaan".

"Ma garanayo baaxadda ama mawduuca," Menendez ayuu yiri Senatarka. Baaritaanka ka dhanka ah shirkadda IS EG Xalaal ayaa ka dhashay tallaabo la bilaabay bishii Abriil 2019, markii dowladda Masar ay isbeddel ku sameysay shatiyada soo dejinta.

Sidda ku cad warbixinta, xukuumadda Qaahira ayaa fursadda ugu badan siisey shirkadda IS EG Halal halkii ay ka ahaan lahaayeen ugu yaraan afar shirkadood oo shaqadan qabanayay taasoo tuhunka qeyb ka ah.

USDA ayaa xustay in tallabadaasi ay saameyn xun ku yeelan karto suuqa isla markaana ay kordhin karto qiimaha dhabahana u xaari karta wax is-dabamarin iyo musuqmaasuq.

Arrimaha kale ee dacwadda ku xusan waxaa kamid ah in Masar ay ku guuldareysatay in ay shirkadda u aqoonsato mid ajnabi ah. Qareenka shirkadda oo qiray arrinkaas ayaa ku difaacay in ay dowladda raali ka tahay.

Bishii Nofembar 2019, sarakiisha FBI ayaa baaray xafiisyada shirkadda iyo sidoo kale guriga madaxweynaha shirkadda, Wael Hana, iyagoo ka qaatay kombiyuutaro, taleefannada gacanta iyo xitaa baasaboorka Hana.

"Maadaama aan Masiixi ahay, khibrad uma lihi shahaado siinta xalaasha, sidaa darteed dowladda Masar waxay ii diyaarisay imaamyo iyo dhaqaatiir loo tababaray inay i caawiyaan,” ayay tiri Hana.

Qaahira ayaa soo dajisata ku dhowaad ​​300,000 oo tan oo hilib lo'aad xalaal ah oo laga keeno tafaariiqleyaasha adduunka oo dhan, sida lagu sheegay warbixinnada dawladda Maraykanka, oo intaas ku dartey in dhamaan badeecadaas ay dhoofiso kaliya hal shirkad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM