Maxay tahay madasha caalamiga ah ee Tana Forum?
MUQDISHO, Soomaaliya - Sanad kasta waxaa magaalada Baxar Daar ee gobolka Amxaaradda ee Itoobiya lagu qabtaa shir looga hadlayo amniga Afrika, waxaana ka qeybgala madax kala duwan oo Afrikaan ah iyo wufuud caalami ah.
Shirkani ayaa waxaa fikradiisa la keenay kadib heshiiskii Algeris ee Midoowga Afrika uu dhex dhigay Itoobiya iyo Eritrea, waxaana shirka gun-dhigiisa uu yahay in dhibaatooyinka Afrika loogu helo xalal Afrikaan ah.
Waxaa si gaar ah loo sheegay in wadahadalkii Afrikaanka ee geedka hoostiisa wax kasta lagu dhamaysan jirey looga gol leeyahay shirkani, iyada oo xitaa qaabka ay kasoo qeybgalayaasha u labistaan iyo baratakoolkaba uu yahay mid laga tixraacayo dhaqanka Afrika.
Waxaa shirkadda fikradiisa ugu weyn lahaa Ra’isulwasaarihii hore ee Itoobiya Males Zanawi, iyada oo guddiga fulinta ay ku jiraan madax hore oo Afrikaan ah oo ay ka midyihiin madaxweynayaal hore , ra’isulwasaareyaal iyo waliba wasiiro arrimo dibadeed.
Waxaa sidoo kale shirka ku lug leh cilmi-baaris aqooneed iyo jaamacado ay ka mid tahay jaamacadda Addis Ababa. Midoowga Afrika ayaa inta badan dabara qarashaadka shirka.
Waxaa looga hadlaa caqabadaha amniga ee Afrika iyo xalalka macquulka ah ee loo heli karo. Sanadkan waxaa Soomaaliya uga qeybgalaya Ra’isulwasaare Xamse Cabdi Barre.
GAROWE ONLINE