Midowga Afrika oo soo farageliyay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa gorada iskula jira tan iyo markii uu soo shaac-baxay heshiiskii Somaliland.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Gudoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa ku boorriyay dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya in ay xiisad joojiyaan isla markaana labada dal ay xushmeeyaan midnimada, wadajirka dhuleed iyo dowladnimadooda.

Moussa Faki oo war-saxaafadeed ka kooban labo bog soo saarey ayaa waxa uu ku baaqay deganaan iyo is ixtiraam, isaga oo ku baaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya in ay joojiyaan ficilka kasta oo si ula kac ah u keeni kara in uu sii xumaado xiriirka ka dhaxeeya.

Faki ayaa wuxuu carrabka ku adkeeyey in lagama maarmaan ay tahay in la ixtiraamo wadajir, midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida buuxda ee dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Dimuqraadiga ah ee Itoobiya.

Waxaana hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xeerarka deris wanaagga si kor loogu qaado loona xoojiyo nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

"Waxaan ugu baaqayaa labada dal inay si degdeg ah ku galaan geeddi-socod wadahadal oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda," ayuu kusoo gabagabeeyay warkiisa qoraalka ah.

Midowga Afrika ayaa kamid ah ururada caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ay baaq u dirtay ka gadaal markii ay soo shaac-baxdey in Itoobiya ay heshiiska la gashay Somaliland kaas oo baalmarsan dhamaan xeerarka u degsan diblumaasiyada caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM