"Miisaaniyada" bilaha ee Daacishta Soomaaliya oo lasoo bandhigay
GAROWE, Puntland - ISIS-Somalia waa koox yar laakiin waa halis, sida lagu sheegay warbixinta argagixisada ee Qaramada Midoobay. "Qiyaastii 200-250 dagaalyahan ayay ka kooban yihiin balse ma lahan awood ay ku qaadaan weerarro casri ah," ayay raacisay.
Hase ahaatee, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinta, waxay martigeliyaan xafiiska ugu weyn ee ISIL oo lagu magacaabo A-lKarrar.
Sida laga soo xigtay hay'adaha sirdoonka ee dawladda xubinta ka ah Qaramada Midoobay, xafiiska ISIS ee Al-Karrar ee Soomaaliya wuxuu uruuriyaa $100,000 bil walba.
Lacagtan ayaa la sheegay in ay kusoo xaruurta qaab baad ah tusaale ah canshuurta sharci-darada ah ee maraakiibta iyo ganacsiga. Xafiiska Al-Karrar ayaa la sheegay in aduun dhan $25,000 uu bil walba u diro garabka iSIL ee Afgaanistaan (ISIS Khorasan).
Yaa maamula xafiiska ISIS ee Al-Karrar ee Soomaaliya? Warbixinta argagixisada ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in uu hogaamiyo Amiirka Daacish-Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin
Balse waxaa jiray warar sheegaya in uu madax u ahaa Bilaal Al-Sudan, oo ahaa nin kale oo muhiim ah, kaas oo bishii hore lagu dilay howlgal dhulka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay.
Warbixino hore oo Qaramada Midoobay u qaabilsan argagixisada ayaa ku tilmaamay xafiiska Al-Karrar ee ISIS inuu yahay isha dhaqaale ee shabakadaha kooxda argagixsada ah ayna ka shaqeeyaan maleyshiyaad u dhashay Soomaaliya, Mozambique iyo DRC.
ISIL-Somalia ayaa fariisinkooda dhuumaaleysiga ah waxa uu ku yaallaa degaanadda Puntland gaar ahaan gobolka buuraleyda ah Bari halkaasoo ay ku baacsanayaan ciidamadda ammaanka maamulka oo taageero ka helaya xulafadda caalamiga ah sidda Mareykanka.
GAROWE ONLINE