Milatariga Soomaaliya oo "ka feejigan" weeraro aargoosi ah

Image
Digniintan ayaa kusoo aadaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab ay geysteen weeraro rogaal-celis ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah waxay si rasmi ah u xaqiijisay in ciidamadda isku-dhafka ah ay galeen degmadda Ceeldheer ee gobalka Galgaduud.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa gacanta ku hayey magaaladan sanadihii lasoo dhaafay. Shalay ayay ahayd markii askarta ay qabsadeen Xarardheere iyo Galcad.

Jeneraal Biixi oo ah taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya ayaa Garowe Online Twitter Space waxa uu ka sheegay in howlgalka lagu qabtey Xarardheere ay diyaarinayeen muddo laba afar asbuuc ah.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Biixi ayaa carabka waxa uu ku eedeeyay in ay aad uga feejigan yihiin weerar aargudasho ah oo ay kusoo qaadaan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

"Gulufka aan ku qabsanay Xarardheere muddo ka badan afar asbuuc ayaan abaabulaynay. Waan ognahay dhagarta ay soo maleegayaan oo qaraxyo ah. Laakiin fursad ma siin doonin," ayuu xusay.

Dhankiisa, Jeneraal Tuuryare oo ah taliyihii hore ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa Garowe Online Twitter Space waxa uu ka sheegay in muhiim ay tahay xoreynta tuulooyinka.

Sida laga soo xigtey sarkaalka, xoreynta degmooyinka waaweyn waa muhiim balse aysan xasilooni heli doonin "haddii tuulooyinka hoostaga ay gacanta ku haayaan maleyshiyaadka Al-Shabaab".

"Inta Shabaab ay joogaan tuulooyinka degmooyinka la xoreeyay, sax ma ahan in guul la sheegto, mana la sheegan karo; waa in la ciribtiraa [Khawaariijta]," ayuu ka dhawaajiyay.

Digniintan ayaa kusoo aadaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab weeraro rogaal-celis ah ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo ah gobolo ay bilooyinkii u dambeeyay howlgalo ka socdeen.

In ka badan 70 ruux ayaa waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaareen weeraro aargoosi ah oo Al-Shabaab ay ka geysteen degmooyinka Maxaas iyo Jalalaqsi si lamid ah degaanada Halgan iyo Xawaadley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM