Mohamed Mubarak: Sooyaalka sarkaalka Imaaraadka looga dilay Muqdisho

Image
Kahor inta uusan ka shaqeyn Soomaaliya, wuxuu horey uga soo howlgalay dalka Yemen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxii howlgalka amni ee Imaaraadka Carabta u qaabilsanaa Soomaaliya, Mohamed Mubarak Al Mazrouei, ayaa kamid noqdey tobanaan kale oo lagu dilay weerarkii shalay ee xerada ciidan ee General Gordan.

Wasaaradda Gaashaandhiga Imaaraadka ayaa xaqiijisay in falkan looga laayay saddex sarkaal iyo mid kale oo u dhashay Baxreyn. Hase ahaatee, masoo hadal-qaadin tiradda kale ee dhaawacantay kuwaasoo tobanaan kale ah.

Al Mazrouei oo muddo dheer kamid ahaa mukhaabaraadka Imaaraadka ayaa waxa uu ku magacaaban yahay Lataliye Sarre oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca UAE. Hase ahaatee, waxa uu sidoo kale qabtaa howlo kale qarsoodi ah.

Sidda ay xaqiijinayaan dadka sida aadka ah u yaqaano, Al Mazrouei ayaa sidoo kale waxa uu maamulayay mashruuca ciidamadda calooshood-u-shaqeysteyaasha ee Imaaraadka uu ka hirgeliyay gudaha waddanka Yemen.

"Dilka Al Mazrouei ee ka dhacay Soomaaliya ma ahan. Balse, waxa ay dalka ku furi kartaa albaabo kale oo jaxiimo ah siyaasadeed. Loolanka juquraafi siyaasadeed ayay kamid tahay," ayuu yiri Cali Axmed Nuur oo ah falanqeeye.

Toogashada Al Mazrouei ayaa dad badan waxay dib u xasuusinaysaa dilkii madixii shirkadda Imaaraatka ee DP World ee Puntland u qaabilsanaa, Paul Anthony Farmosa kaasoo Boosaaso ka dhacay February 4, 2019.

Farmosa ayaa la sheegay in uu toogtay askari kamid ahaa ciidamadda maamul goboleedka Puntland. Falkan oo ka dhex-dhacay gudaha dekedda Boosaaso waxa uu sababay duufaano siyaasadeed iyo eedeymo iska soo horjeeda.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo si adag u cambaareeyay weerarkan ayaa isbitaalka ku booqdey saraakiisha Imaaraadka ee dhaawacantay isaga oo u rajeeyay soo kabasho degdeg ah.

"Waxaan sida ugu adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib udhiska ciidamadeena, anigoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan degdeg ah ay ku  sameeyaan, waxaana balan qaadaynaa In talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo soo abaabushay falkaan guracan," ayuu sii raaciyay.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha sidda weyn ugu dhow maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana dhacdadan laga cabsi qabaa in ay si weyn wax uga badasho xiriirka labada dal haddii aysan helin qaab ay isla qaataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM