Muxuu yahay qoriga lagu arkay ilaalada madaxweynaha Brazil?

Image
Qorigaan ayaa waxaa sameeya shirkad xarumo ku leh wadamada Mareykanka iyo Australia.

MUQDISHO, Soomaaliya - Caleema-saarkii madaxweynaha cusub ee dalka Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, ayaa lagu arkay qori cusub kaasi oo ay adeegsanayeen laamaha amaanka ee waddankaas.

Ciidanka dalkaasi ayaa sheegay in ay soo rideen afar diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ah intii ay socotay munaasabadda dhaarinta hogaamiyahan dhowaan la doortey.

Qorigaan ayaa waxaa sameeya shirkadda xarumaha ku leh Mareykanka iyo Australia ee lagu magacaabo DroneShield waxaana la sheegay in looga hortago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dhawr xabo oo qorigaan ah ayaa luminaya dhamaan xiriirka dhanka ateenooyinka ee ka dhaxeeya diyaarada aan duuliyaha lahayn iyo halka laga maamulayo waxaana ay diyaaradaasi ugu soo dhacaysaa toos dhulka.

Sidoo kale, qorigaan ayaa waxa uu keena mar-mar in diyaaraddu ay fashiliso halkii ay kasoo duushay kadib marka ay toos ugu laabanayso meeshii laga soo diray

Agaasimaha shirkadda DroneShield, Oleg Vornik ayaa yiri: "Brazil waa suuq muhiim ah marka laga hadlayo dalalka dhaca koonfurta qaarada Ameerika waana ku faraxsannahay in aan aragno horumarka ay sameeyeen nooca aan soo saarnay".

Amniga xafladda caleema-saarka Luiz Inácio Lula da Silva ayaa aad loo adkeeyay maadaama maalmo kahor ay banaanbaxayaal u daateen xarumo dowladeed sidda Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM