Natiijada wajiga koowaad gulufka ku bilowdey "kacdoobka shacabka"
MUQDISHO, Soomaaliya - Bisha Feberaayo ee fooda inagu soo haysa waxa ay noqonaysaa bishii 8-aad oo si aan kala joogsi lahayn ay u socdaan hawlgalada dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu qabsadey dhul aad u balaaran oo kumanaan kiilo mitir dhan.
Al-Shabaab ayaa laga saaray magaalooyin ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeelada Dhexe, Galgaduud iyo xitaa Shabeelaha Hoose, iyada oo ay ugu dambeysay magaalada Xarardheere ee xeebta ah oo ciidanka ay la wareegeen 16-kii bishan.
Dowladda Soomaaliya ayaa hawlgal kasta oo dhaca sheegaysay in ugu yaraan ay ku dishay 50 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, marka tirooyinkaasi la isu geeyana waxa ay kor u dhaafayaan 2 kun oo dagaalamayaasha Alshabaab ka tirsan ah, inkasta oo aysan jirin cid xaqiijin karta tirakoobkani.
Qiyaasaha laga hayo Al-Shabaab waa inta u dhaxaysa 5 kun illaa 10 kun oo dagaalamayaal, inkasta oo sanadihii dambe ay kordhayeen dadka kasoo baxsanaya oo isu soo dhiibaya dowladda.
Waxaase jira weli in madaxdii Al-Shabaab ay weli duurka ku jiraan, haystaane kumanaan askar daacad u ah, taas oo weli keeneysa in ay jirto halista ay kooxdani ku hayso dalka iyo dadka.
Waxa ay weli haystaan gobol dhan oo ka tirsan dalka oo ah gobolka Jubbada Dhexe, iyo degmooyin dhawr oo ka tirsan Jubbada Hoose, halkaas oo hadda ay ka biloowdeen hawlgalo ay muuqato in dhab laga yahay.
Sida uu Jimcihii sheegay wasiirka gaashaandhiga Cabdiqaadir Nuur Jaamac, waxaa bilaabanaya wajigii labaad ee hawlgalka, kaas oo laga fulinayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, iyada oo dowladda awoodeeda oo dhan isugu geyso dhanka la dagaalanka Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la is weydiinayaa sida loo xaqiijin doono in markale aysan dalka kusoo laaban doonin kooxdan oo kale mar haddii hadda la ciribtiro. Dagaalkan ayaa kaliya ahayn dhanka furinta dagaalka waxaase wehliya furimo kale oo ah dhanka fikirka iyo dhaqaalaha oo dardar ku soconaya.
GAROWE ONLINE