New Zealand: Soomaali 37-jir ah oo lagu xukumay xabsi daa'in

Image
Sakariye Maxamed Xuseen oo isbitaal ku jiray ayaa falkan geystay markii la siiyey 30-daqiiqo fasax ah.

CHRISTCHURCH, New Zealand - Maxkamad ku taala magaalada Christchurch ee waddanka New Zealand ayaa xabsi daa'in ku xukuntey Soomaali lagu helay in uu Toorey ku khaarijiyey haweeney 52-sano jir ahayd.

Sakariye Maxamed Xuseen oo 37-sano jir ah ayaa la sheegay in uu Laisa Maraia Waka 25-ka bishii June xilli ay kusii jeeday hoygeeda kana soo baxdey shaqadda, sida laga soo xigtey dambi-baareyaasha.

Jimcihii, saddex ka mid ah afar carruur ah oo ay dhashay Waka iyo ninkeeda ayaa ka akhriyay bayaannada saamaynta dhibbanaha maxkamadda dhexdeeda, iyaga oo tafaasiil ka bixinaya sida dilka hooyada ay u burburineyso noloshooda.

Wax yar ka hor inta Sakariye lagu ridin xukunka, mid ka mid ah wiilasheeda ayaa maxkamadda wuxuu kahor sheegay: "Uma qalantid mudnaanta inaad mar kale noqoto nin xor ah".

Seyga Waka oo lagu magacaabo Nemani Tunidau ayaa carabka wuxuu ku adkeeyay in qoyskiisu ay aad uga xumaadeen geerida marwadiisa, wuxuuna is weydiinayay sababta ay u dhacday.

Lamaanahan ayaa is qabay muddo 26 sano ah, waxayna u guureen New Zealand si ay nolol dhaanta u helaan carruurtooda. Hase ahaatee, waxaa muuqata in riyadiisa ay dhex ku burburtey.

Marka loo eego xaqiiqooyinka soo koobaya, Sakariye wuxuu ku noolaa Cusbitaalka Hillmorton markii la siiyay amar 30 daqiiqo oo fasax ah Juun 25 ee sanadkan. Waxaa looga baahnaa inuu ku sii jiro barxadda isbitaalka.

Sannadka markii uu ahaa 2012, Sakariye oo xanuun maskaxda ah qaab waxaa lagu xukumay muddo lix sano iyo lix bilood ka dib markii lagu helay dambi ah afduub, dhaawac ula kac ah iyo haysashada hub weerar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM