Papua New Guinea: Professor iyo arday la socotay oo la afduubtey

Image
Kooxda qafaalatay macalinkan u dhashay dalka Australia ayaa la sheegay in ay dalbadeen madax-furasho.

PORT MORESBY, Papua New Guinea - Bare wax ka dhiga jaamacad ku taalla Australia ayaa lagu qafaashay degaanada buuraleyda sare ee dalka Papua New Guinea, sida uu xaqiijiyay ra'iisul wasaaraha wadankaas.

Macalinkan u dhashay dalka Australia ayaa ah khabiir dhanka waxyaabaha qadiimiga ah, waxaana uu ku jiray safar shaqo oo ay ku wehelinayeen dhawr arday oo u dhashay Papua New Guinea.

Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba qof oo magacyadooda aan lasoo bandhigin balse dhacdadan wax ka ogaa, ardayda ayaa sidoo kale waxaa lala afduubtey macalinkooda.

Ra'iisul wasaaraha Papua New Guinea, James Marape, ayaa u sheegay wariyeyaasha in booliiska iyo militariga ay heegan ku jiraan, dowladduna ay ka shaqeyneyso sidii ay dadkan xorriyadooda u heli lahaayeen.

"Waxaan rabnaa in dambiilayaashaas ay siidaayaan kuwa lagu haysto," ayuu ku yiri faallooyinka laga sii daayay Telefishinka ABC. "Ma jirto meel lagu ordo, ma jirto meel lagu dhuunto," Marape ayaa ku daray.

Illo wareedyo ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in xaaladdu ay ku jirtay "xilli muhiim ah" balse ma ay bixin tafaasiil dheeraad ah. Waxaa la rumeysan yahay in madax furasho la dalbaday.

Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Australia si degdeg ah kama aysan jawaabin codsi ay u dirtey warbaahinta oo ku saabsan in ay ka hadasho afduubkan muwaadinkooda, sidda ay warisay wakaalada Reuters.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM