Qaraxyadii Soobe: Iska-daba-wareega aan wali lagu waano qaadan
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xaqiijisay in dadka ugu badan ee ku naf-waayey qaraxyaddii agagaarka Wasaaradda Waxbarashada ee Muqdisho uu galaaftey qaraxii labaad ee gaariga ahaa.
Wasiirka amniga gudaha Maxamed Axmed Cali Doodishe oo la hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa xaalada noocaan ah wuxuu ku sifeeyay "iska-daba-wareega aysan wali cashahar ka baran dadka Soomaaliyeed".
"Tobban sano sano ayaa waxaa dhacaya qarax koowaad marka uu dhaco dadka marka ay soo dhoobtaan qarax labaad ayaa dadka baabi’iya; intii dhimatay markii hore tobban jibaarkeeda ayaa qaraxa labaad uu baabi’iyaa, shalayna sidii baa nagu dhacdey," ayuu qiray wasiirka.
Dhanka kale, wasiirka ayaa qiray in laamaha ammaanka ay hayeen xogta weerarka balse uu dhacay iyadda oo ay "ku raad-joogaan" si ay u baajiyaan khasaaraha baaxadda leh ee waqti-xaadirkan uu geystay.
"Qaraxii Soobe wuxuu dhacay iyadda oo ciidamada ammaanka ay baadigoobayeen xogtiisa si ay uga hortagaan," ayuu raaciyey. Tani waxay ka dhigan tahay fashil dhanka hay’adaha nabad-gelyadda iyo sirdoonka.
In ka badan 100 qof oo badankooda ah shacab ay kamid yihiin haween iyo caruur ayaa ku naf-waayay weerarkan ay dowladda ku eedeysay maleyshiyaadka Al-Shabaab wallow wali kooxda aysan si rasmi ah u qaadan mas’uuliyada.
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku goodiyey "aar-gudasho" kadib weeraradan ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ka laaban doonin gulufka ay kusoo afjareyso mitidiinta Al-Shabaab.
"Waxaan balanqaadaynaa in aan u aargudno shacabka Soomaaliyeed," ayuu ka yiri xarunta gurmadka qaran oo kamid ah meelaha uu booqdey kadib markii uu guddoomiyey shir degdeg ah oo Golaha Wasiiradda ay isugu yimaadeen.
Go'aanada shirkaas kasoo baxay waxaa kamid ahaa in dowladda hal milyan ugu deeqdey gurmadka soconaya, in la sameynao "isbadalo la jaan-qaadaya xaalada dalka ka jirta" iyo in xukuumadda shacabka ugu baaqdey "feejignaan dheeri ah".
Shirka waxaa warbixin ka jeediyey taliyeyaasha ciidamadda booliska, sirdoonka iyo ciidanka xogga dalka. Lama ogga in warbixintooda ay qayb ka ahayd wararka sheegaya in dowladda ay ku raadjoogtey gaariga qaraxa wadday iyo cida ku lugta leh.
Isgoyska Soobe ayaa ah goobtii uu ka dhacay weerarkii lagu hoobtay ee October 14, 2017, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof una badan dad rayid ah, ku dhawaad 300 oo kalena way ku dhaawacmeen.
GAROWE ONLINE