Bulshada ay Taliban taariikhda u leedahay daadinta dhiigooda

Image
Mar ayay ahaayeen kuwa ugu tirada badan. Balse hadda waxay wajahayaan cabsi iyo hubanti la'aan.

KABUL, Afghanistan - Taalibaan ayaa hada iska bixineysa sawir dhexdhexaad ah, iyadoo sheegtay in dadka reer Afgaanistaan ​​ay siman yihiin ​​loona eegi doonin kala duwanaanshaha dhinaca dhaqankooda iyo diintooda.

Balse bulshadda Hazaras uma sahlana in la iska iloobo xusuusta qarniga-dheer ee isir-sifeynta ama in ay aaminan eryadda Taalibaan maadaama hubanti la’aantu aad u weyn ay wajahayaan.

Kooxda hubeysan ee 20-sano kadib xukunka kusoo laabatay ayaa taariikh waxay u leedahay inay dadka reer beegsato Hazaras una beegsadaan habab arxan darro ah sidda jirdilka, afduubka iyo dilka.

Warbixintii ugu dambeysay, Amnesty International waxay sheegtay in sagaal nin oo Hazara ah ay dileen Taliban markii ay la wareegeen gobolka Ghazni ee Afghanistan horaantii bishaan.

Agnes Callamard, Xoghayaha Guud ee Amnesty International, ayaa yiri "Arxan-darrada dhiig-qabow ee dilalkan waxay xusuusineysaa taariikhdii hore ee Daalibaan, waana tilmaame naxdin leh oo muujinaya waxa xukunka Taliban uu keeni karo."

Hazaras waa mid ka mid ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay Afgaanistaan - tirro iyo diin ahaan. Toban sano oo cadaadis xoog leh ayay kala kulmeen taliskii Taalibaan intii u dhaxaysay 1991 iyo 2001 waqtigaas oo kooxda hubeysan ay talada waddanka qabteen markii ee ugu horraysay.

Hazaras ayaa lagu qiyaasay boqolkiiba 9 dadka 39.9 milyan ee dalka deggan. Tiro ahaan ilaa saddex milyan oo ka mid ah Afghanistan-ta maanta, ayaa la sheegay inay ka soo farcameen askartii Genghis Khan.

Kala duwanaanshaha dhaqankooda iyo luqaddooda, inta badan waxay u hoggaansamaan Shiicada Islaamka waxayna ku hadlaan Hazagari, oo ah lahjad ka mid ah Faaris.

Genghis Khan waa boqorkii Mongol ee ku soo duulay Afghanistan qarnigii 13-aad. Bulshada Hazagari waxay kasoo faracmeen qowmiyadaha Pashtun iyo Afganistan-ka Sunniga ah.

Sikastaba ha ahaatee, kooxahan waxaa bartilmaameed furan u ahaa darafyadda Sunniga ah ee mayalka adag, oo ay ku jiraan ururadda Daacish iyo Taliban, maadaama ay si sahlan u garan karaan dhaqankooda Aasiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM