Raaligelin laga bixiyey Soomaali 70-sano kahor si qalad ah loo daldalay
LONDON, UK - Booliska Koonfurta gobolka Wales ee boqortooyadda Ingiriiska ayaa si rasmi ah raaligelin ka bixiyey nin Soomaali ah oo si qalad ah loo daldalay 70-sano kahor kadib markii si qalad ah loogu maxkamadeeydy dilka haweenay.
Maxamuud Mataan oo ahaa Soomaali-British ayaa 1952-dii waxaa loo daldalay in uu mehradeeda oo ku taala magaalada Cardiff uu ku dhex-dilay haweenay dukaanle ahayd oo magaceedu yahay Lily Volpert.
Xukunka Mtaqaan oo sidoo kale ahaa badmaaxe ayaa wuxuu ahaa tixraacii ugu horreeyay ee Guddiga Dib-u-Eegista Kiis Dambiyada ee lagu baabi'iyo go'aan kasoo baxay Maxkamadda Racfaanka 1998-kii.
"Kiiskan wuxuu dhacay waqtigiisa - cunsuriyadda, eexda iyo cadaalo darada ay ku badneyd bulshada oo dhan, oo ay ku jiraan nidaamka cadaaladda dembiyada," ayuu yiri Jeremy Vaughan oo ah sarkaal ka tirsan bileyska.
Vaughan ayaa intaas ku daray: "Shaki kuma jiro in Maxamuud Mataan uu ahaa dhibane cadaalad darro ah oo ka dhalatay xeer-ilaalin khaldan, taasoo ay caddahay in boolisku qayb ka ahaa".
"Waa sax in raaligelin laga bixiyo magaca booliiska wixii si xun u khaldamay kiiskan 70 sano ka hor iyo dhibaatada ba'an ee soo gaartay qoyska Mr Mataan iyo dadka ay saameysay musiibadan sanado badan," ayuu xusay.
Natiijadda olole ay 46-sano wadeen qoyska Mataan
Xaaskii Mr Mattan oo lagu magacaabo Laura iyo saddex wiil oo ay dhaleen David, Omar iyo Mervyn, oo sidoo kale loo yaqaanay Eddie, ayaa u ololaynayey 46 sano in ay helaan cadaalada aabahooda.
Dhammaantood waa ay dhinteen balse qoysku waxa uu soo dhaweeyay raali gelinta. Mid ka mid ah lixdii uu awoowe u ahaa ayaa ku tilmaamay "mid aan daacad ahayn."
"Aad bay u daahday dadka sida tooska ah u saameeyay maadaama aysan nala joogin welina, weli ma maqalno erayada waan ka xunahay," ayay tiri Tanya Mattan oo ayeeyo u tahay.
Qoyska Mattan ayaa waxay magdhow ka heleen xafiiska arrimaha gudaha ee dowladda Ingiriiska sanadkii 2001 laakiin waligood raaligelin kamaysan bixin ciidanka booliiska ilaa hadda.
Is-dabamarinta ayaa la rumeysan yahay in ay ka timid baaritaanka qaabka uu u dhacay dilka oo ahaa in haweenayda oo qoorta looga gooyay sakiin waxaana la aaminsan yahay in baareyaasha dhankooda qaladka ka yimid.
Waa kuma Maxamuud Mataan?
Mataan ayaa asal ahaan ka soo jeeda magaalada Hargeysa ee wakhtigaas loo yaqaannay British Somaliland isla markaana haatan sheegata gooni-isu-taag uusan aduunka aqoonsaneyn.
Kumannaan badmareen oo ka yimid dibadaha isla markaana ku xirtey magaaladda Cardiff dagay kadib dagaalkii labaad ee aduunka ee UK ay gashay ayuu kamid ahaa Mataan.
Sannad ka dib markii uu yimid gobolka Wales oo dhankiisa sheegta in uu ka madax-banaan yahay Ingiriiska, wuxuu guursaday gabadh degaanka ah oo la yiraahdo Laura 1947.
Kadib markii guurkooda uu la kulmay naceyb sababo ku aadan jinsiyadda Mataan, lamaanaha da'da yar ayaa lagu qasbay inay si gooni ah ugu noolaadaan hal waddo.
"Dadku waxay moodayeen inuu dhaban yahay sababtoo ah wuxuu ahaa Soomaali British ah wuxuuna rabay inuu Ingiriis noqdo oo uu ku noolaado British," ayaa la xasuustaa in ay mar tiri Laura. "Ma uusan ogeyn colaadda nagu wareegsan".
GAROWE ONLINE