Riyadii maleyshiyaadka Al-Shabaab ee albaabada laga soo xiray

Image
Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, kooxda ayaa lumisay maamulka dhul ballaaran oo dalka kamid ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cumar Yuusuf Cabdulle, oo ah falanqeeye arrimaha Geeska Afrika, ayaa aaminsan in ay dhamaatay riyadii Al-Shabaab ee ahayd in ay la wareegaan gacan ku haynta Soomaaliya iyo in ay meesha ka saaraan dowladda federaalka Soomaaliya ayna kusoo rogaan dalka fikirkooda guracan ee xagjirka ah.

Waxa uu ka digay in kooxda xagjirka ah ay sii ahaan doonto khatar amni sannado badan oo soo socda "sababtoo ah fikirka kooxda oo kaliya ayaa ku filan in lagu dhiirigeliyo weerarada".

"In kasta oo dhawaan laga adkaaday dhanka milateriga, haddana kooxdu weli way geysan kartaa waxyeello, sababtoo ah weli madaxdoodii ayaa dibadda ku maqan, waxayna weli maamulaan dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya," ayuu u sheegay VOA-da.

Wuxuu raaciyey: "Waxaa laga yaabaa inay jiraan kumannaan mayal-adag oo wali nool; sidaa daraadeed, jabinta buuxda ee Al-Shabaab waxay ku xiran tahay cirib-tirka fikirka dhiirri-gelinaya argagaxisada".

Kooxdan xiriirka la leh shabakadda Al-Qaacida ee xiriirka la leh Al-Shabaab ayaa si tartiib tartiib ah looga saarey dhul ballaaran dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Khudbad laga sii daayay taleefishinka bishii Ogosto 2022, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay "dagaal guud" oo ka dhan ah kooxda, maalmo kaddib markii ay go'doomiyeen hoteello ay dad badan ku dhinteen oo ku yaalla Muqdisho, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo dadka dega gobollada dhexe ee Soomaaliya ay bilaabeen kacdoonn ka dhan aH joogitaanka iyo cadaadiska Al-Shabaab ee deegaannada ay ka taliyaan.

Tan iyo bishii Luulyo, howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa guulo waaweyn ka gaaray maleeshiyaadka. Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 2,000 oo dagaalyahannada Al-shabaab ah. Balse, si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashaddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM