Saddex arrimood ka ogow shirweynaha Qaramada Midoobay
NEW YORK, United States - Muddo laba sano ah kadib oo qadka internetka lagu kulmayay, ayaa sanadkan la isugu tagayaa magaalada New York shirka sanadlaha ah ee loo yaqaano Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay.
Haddana sidee shirkani loo qabtaa?
Dalka Brazil ayaa ah dalka koowaad ee ugu hor hadla, waxayna taasi ku dhacday in Brazil ay iyada dalbatay in ay ugu hor hadasho markii koow la bilaabayay shirkan xilli dalalka kale ay diideen in uu mid kasta isaga ugu hor hadlo.
Waxaa ku xiga Maraykanka oo martigaliya shirka, balse maadaama madaxweyne Joe Biden ka qeybgalayo aaska boqoraddii geeriyootay ee Britain Elizabeth II, dib ayaa loo riixayaa jadwalka xilliga uu hadlayo madaxweynaha Maraykanka.
Intaasi wixii ka dambeeya dalalka waxaa loo kala horeysiinayaa hadba sida ay u kala miisaan culus yihiin waftiyada ay soo dirsadeen. Madaxda Qaramada ayaa ka hor hadlaya madaxda xukuumadaha (Raisulwasaareyaasha), kadibna waxaa ugu dambeynaya wasiiradda iyo safiiradda.
Sidoo kale waxaa la tixgalinayaa joqoraafi ahaan dalalka meelaha ay kala dhacaan, iyo sidoo kale saameyntooda dhaqaale iyo awoodeed.
Yaa ka qeybgalaya kulan-weynahan?
Ka sokoow dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay oo dhan 192 dowladood, waxaa shirka ka qeybgalaya Maamulka Falastiiniyiinta, Dowladda Vatican ee kaniisadda , iyo Midoowga Yurub iyo Xitaa Midoowga Afrika.
Madaxda hadalka jeedinaysa waxaa loo ogolyahay in ay cabbiraan aragtida dalkooda, iska difaacaan eedeymaha loosoo jeediyo, islamarkaasna xitaa iyaga eedo jeedin karaan.
Qof kasta waxaa loo ogolyahay 15 daqiiqo, balse madaxda qaar ayaa goaansada in ay hadal dheer jeediyaan, tusaale madaxweynihii hore ee Cuba Fidel Castro ayaa jeediyay qudbad soconaysay 269 daqiiqo sanadkii 1960-kii.
Dal ku galka Mareykanka
Dowladda Maraykanka dal ku gal uma diidi karto madaxweynaha dal ay is hayaan oo shirka ka qeybgalaya sida uu yahay sharciga Qaramada Midoobay, balse sanadkan wuxuu buuq ka taagnaa wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov , inkasta oo hadda la xaqiijiyay in uu ka qeybgalayo.
Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaan isaga ka qeybgalay maadaamaa uu dalkiisa dagaal ka socdo. Balse wejiyada cusub ee sanadkan waxaa ka mid ah Raisulwasaaraha Ingiriiska Liz Truss iyo madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sanadkan dib loosoo doortay ayaa isna ka qeybgalaya shirka oo isniinta furmaya. Waxaa xoogga lagu saarayaa xaalada waxbarashada adduunka, inkasta oo dhibaatooyin badan oo kale ay adduunka ka jiraan.
GAROWE ONLINE